Hangoolnews.com
Hogaamiyaha Mucaaridka ugu Wayn Dalka ugandha ee lagaga Adkaaday Doorshadii Dhawaan Dhacday oo la xidhay
February 22, 2016 - Written by Hangool News

 

Kampala(Hangoolnews) iyada oo doorashadii dhacday dabyaaqadii todobaadkan uu ku guulaystay madaxwaynahii sodonka sano soo hogaaminayay dalka ugandha yuweri musavani ayaa waxa booliska magaalada caasimada ah ee kampala ay mar kale xabsiga dhigeen hogaamiyaha ugu wayn mucaaridka dalkaasi Kizza Besigye isaga lagaga adkaaday doorshada inkasta oo sida uu sheegay uu rumaysan yahay in wax isdabo marin lagu sameeyey hanaanka tirinta codadkii la dhiibtey,

Besegye

Besegye ayaa isagu xiligan la xidhay ee manta qorshaynayaayay in uu booqdo gudiga komishanka doorashooyinka ee magaalada caasimada u ah dalkaasi ee ugandha waxaana sidan oo kale labo goor loo xidhay ninkani todobaadkii aan kasoo gudubnay ka hor intii aan lagaga guulaysan doorashada,

Booliska ayaa haatan ku haya hogaamiyahan ugu wayn mucaaridka dalkaasi xabsi guri iyaga oo sheegay in ay ka hor taagan yihiin mudaharaado la filaayo in uu kiciyo ninkan isaga lagaga adkaaday doorashadii ka dhacday dallkaasi,

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News