Hangoolnews.com
Goobahii Diwaan-Galinta Codbixiyayaasha Degmada Dilla Oo Hakad Galay
February 22, 2016 - Written by Hangool News

 NEC-logo-1

Dilla(Hangoolnews) wararka naga soo gaadhaya gobolka awdal gaar ahaan degmada dilla waxa ay sheegayaan in guud ahaanba shaqaalahii diwaan galinta codbixiyayaashu sameeyeen shaqo joojin,

Shaqo joojintani ayaa ka danbaysay kadib markii ay shaqaalaha ka shaqaynayay goobta degmada dilla ay komishanka doorashoonku ilaa iyo haatan siin wax lacag sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqaynayay goobtaasi,

Xidhitaanka iyo shaqo joojintaasi ay sameeyeen shaqaalahu ka dib waxa ogaadey komishanka doorashooyinka qaranka kuwaasi oo marki dabne iyagu ka hawl galay sidii shaqalahaasi loo siin lahaa lacagahii ay xaqa u lahaayeen iyada oo ugu danbayn lagu guulaystay in dib loo furo goobahii diwaan galinta codbixiyayaasha degmada dilla,

Hangoolnews.com

Boorama/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News