Hangoolnews.com
Xukumada Somaliya Oo Shaacisey In Ay Xayiraad Kusoo Rogtey 35 Ka Mid Ah Mareegaha Wararka Ee Afka Somaliga Wax Ku Qora.
February 20, 2016 - Written by Hangool

Muqdisho(HNG) Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu Horreysay ka Mamnuucday in Qaybo ka mid ah Somalia in laga Akhristo ama laga daalacdo qaar ka mid ah Shabakadaha Internet-ka ee Afka Soomaaliga wax ku qora.

Amar kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa lagu Mamnuucay in gudaha Somalia laga akhristo 35 Website oo ay Dowladda Somalia ku eedeysay inay tabiyaan warar intooda badan loog talo-galay in dadka lagu jah-wareerinayo.

internet

Website-yadaan la xanibay ayaa haddii la furo waxay kuusoo saarayaan qoraal Ruuxii furta loogu sheegayo in Shabakadaan la xidhay, Waana markii ugu horreysay oo ay Dowladda Somalia xayiraad saarto shabakado laga akhristo gudaha dalka.

Xukuumadda Somalia ayaan weli baahin magacyada shabakadaha la xiray, iyadoo la xusay in tani ay qayb ka noqon karto xakameynta dowladda Somalia ay ku Sameynayn karto qaar ka mid ah Shabakadaha Internet-ka ee aysan la dhacsanayn Warbixinnada ay baahinayaan.

 

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii bishii November,2015-kii ay Dowladda Federaalka Somalia ku dhawaaqday inay xannibaado saarayso 35 ka mid ah Shakahadaha ama Website-yada wax ku tabiya Afka Soomaaliga.

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News