Hangoolnews.com
Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay Dablaydii Weerartay Xaruntii Diwaan Galinta Iyo Safarkisii Gobolada Awdal Iyo Salel
February 20, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG) Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah e kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta u waramay tvga HCTV waxa uu ka hadlay safarkii uu dhawaan ku tagay gobolada galbeedka somaliland kuwaasi oo ay dhawaan ka bilaabantay diwaan galinta codbixiyayaasha dalka,

muuse-biixi ca

Dhinaca kale musharaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye waxa uu ka jawaabay eedaymo loo soo jeediyey labada xisbi ee kulmiye iyo wadani oo uu eedaymo usoo jeediyey faysal cali waraabe gudoomiyaha oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Arintaasi si guul ah ayay kusoo dhamaatay aad iyo aad ayaan raali uga nahay gobolka waan bogaadinaynaa  dadka madaxdiisa iyo sida ay isku abaabuleen niyada ay u hayeen gobolada awdal iyo salel, komishankana waan bogaadinaynaa hawshaa si fiican ayay u wadaan waxii laga baran karo ee caqabad ahna waan kabaranaynaa  xaga danbe ayaa laga sixi doonaa waxan qabaa in boqolkiiba sagaashan ay guul ku dhamaatay arintaasi ”

Geesta kale musharaxa madxwayne ee xisbiga kulmiye waxa uu ka jawaabay eedaymo uu xisbiga ucid usoo jeediyey labada xisbi ee w dani iyo kulmiye,

“Waxay ila tahay waa waajib in ay labad xisbi joogaan shaqooyinkoodana way gudnayaan wayna ku amaanan yihiin xisbiga ka habsaamay isaga ayaa eeda leh ninka doorashada doonayaana  waa in uu diwaan galinta abaabulaa waa in uu garabsiiyaa komishanka diwaan galinta waa in dad uu yidhaa is diwaan galiya waa in dimuqradiyada iyo doorshada loo diyaar garroobaa dee xisbiga intaa fuliyey waa ku amaanan yahay xisbiga ka maqnaa isaga ayay jirtaa”

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan weerarkii ay dablayda hubaysani ku qaaday xaruntii diwaan galinta ee sabo-wanaag waxaanu yidhi,

“uma aragnoo uun arinyar oo fal iska dhacay ee marka hore waa dambi qaran waxaan u aragnaa in ay tahay mid lagaga hor tagayay doorashada in dalka dimuqraadiyadiisa iyo doorashooyinkiisu aanay hir galin ayaa lagaga hor tagayay waa laba cida falka gaysatay waa niman sita magacyo dhaqameed oo suldaan gaadhaya suldaan nabada ka shaqeeeya oo inankiisa qabta oo dadkiisa qabta  ee waa inoo kow suldaan qori ku weerara meel qaran oo hadana magac suldaan sheeganaya taasina waa tu aan la qaadan karin meel ka dhac ayay ku tahay dadka ama dhaqanka cida sidata magacaa dee qarankana waa u nin dambiile ah dambi qaran ayuu faraha kula jiraa oo doorashadeedii iyo hawlaheedii iyo nabadii khalkhal galiyey markaa waxay ila tahay iyagu waa eedaysanayaal waxa gacanta ku haya hay,adaha nabad galyada  booliska gacanta ku haya waxay ila tahay ama aan hubaa in dambigooda la badhayo  maxkamada la hor keenaayo dabigoodana lagu qaadayo

Gabagabadii muuse biixi cabdi waxa u ka hadlay warar soo baxayay tan iyo intii isaga iyo madaxwayne kuxigeenku ay safar ku tageen galbeedka Somaliland wararkaasi oo sheegayay in isaga iyo c/raxmaan saylici uu khilaaf soo kala dhex galay waxaanu gudoomiyuhu beeniyey arintasi,

“waa ii warkaagaa waa sheegaa ma dhaafto, ma hayno warkaa madaxwayne kuxigeenka hada ayaan ka imi oon hawl wadaleenahay anagu warkaa ma hayno manaan maqal dee imika mediyihiina waad keentey dee markaa adaa kenay adeere bal soo cadee warkaa keen halkay wax ka dhaceen”

sidaa waxa uu muuse biixi cabdi ku sheegay xili uu maanta u waramayay tvga hctv isaga oo ku sugan xafiiskisa

 

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News