Hangoolnews.com
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay In Ay Soo Afmeereen Wajigii Koowaad Ee Diwaan Galinta Cod-bixiyayaasha Gobolka Awdal
February 20, 2016 - Written by Hangool

Boorame(HNG)Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay manta soo dhamaatay wajigii koowaad ee diwan galinta codbixiyayaasha ee gobolka awdal ka socotey taasi oo wajigeeda koowaad ahaa hal todobaad iyada oo sida ay sheegeen komishanku ay si habsami ah usoo xeroodeen qalabkii diwaan galinta iyo dhalinyaradii shaqaynaysay,

Waxaana warbaahinta la hadlay gudoomiye kuxigeenka komishanka qaranka Somaliland oo isagu sheeegay in si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey wajigaasi koowaad ee diwaan galinta gobolada awdal iyo salel waxanu yidhi.

“Waxa aanu aad ugu faraxsanahay in todobadii cisho ee ugu horeeyey sidii ku talo galku ahaa ay u soo dhamadeen si nabad-yalyo ahna usoo dhamaadeen Baabuurtii,qalabkii, iyo dhalinyaradiiba ay kusoo xeroodeen ayaanu manta halkan idiinka sheegaynaa”

Dhinaca kale waxa isagu halkaasi ka hadlay afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka siciid cali muuse oo sheegay in haatan ay soo gabo gabeeyeen todobadii cisho ee ugu horeeyey isla markaana ay haatan u dhiman yihiin kow iyo labaatan cisho oo kale afhayeenka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi

“Sida aad ogtihiin ee aad lasocotaan degmada boorame wali way socotaa todoba cisho ayaa u dhamaatay todoba kalena way u hadheen markaasi qaybtii horeeto ee waa soo gabo gabowdey waa ay soconaysaa gobolka kow iyo labaatan iyo kow cisho oo kaleeto ayaa guud ahaan u dhiman”

Dhinaca kale waxa iyaguna goobta ka hadlay mas,uuliyinta gobolka awdal oo bulshada gobolkasi ugu baaqay in ay is diwaan galiyaan mudada fiican ee u hadhay si ay u helaan codadka ay gobolka awdal bulshadiisu xaq u leeyihiin.

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News