Hangoolnews.com
Jamaal Cali Xuseen Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Sheegaya In Uu Ka Tanaasulay Hankiisii Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid
February 20, 2016 - Written by Hangool

Ottawa(HNG)Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inuu wada-hadal u socdo siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye, sidoo kalena waxa uu beeniyey warar ay ka qoreen warbaahinta qaar.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inuu dhawaan dalka kusoo laaban doono, oo isla markana ka mid noqon doono shaqsiyaadka Xisbigooda u metellaaya wadahallada u socda Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye. Sida waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray, waxanu u dhignaa sidan.

jamaal cali xuseen

“Horta Jariiradda La Yidhaa Foore Ma Beentaa Lagu Faafiyaa? Gartay inay dacaayado Hore iga qortay, laakiin beentii Adduunka Ugu weyneyd bay sheegtay imika OO waxay tidhi Jamaal Cali Xuseen baa ka tanaasul ay hankiisii oo qof kale ayaabu ku casumayaa, Ilaahay baan idinku qaarshee kuwa waxaasi soo qoray Ee Beenta intaasi Le’eg doonayaa inay Ummadda ka iibiyaan waxay la mid yihiin qolyihii berigii Hore sawirkii filimka la wareegi Jiray Ee xayeysiiska dadka Beenta Ugu sii yara dari Jiray. Magaca Foore ayaa runtii ku khasaaray. Shacabka waxaan u sheegayaa in jariirada Foore la yidhaa waa been la iibinayo Ee ha iibsanina sideedaba. Nimanka Isbahaysiga Kulmiye qaar ka mid ah Hore ayaanu u wadahadalnay Aniga Gaar ahaan, qaarkoodna telefoon baan kula soo hadlay waananu Soo dhaweynaynaa, inshallah markaan dhawaan imaadaa waanu wadahadli. Xisbigana dad tiro badan baa danaynaya inshallah waana muhiim in xisbigga la dhiso Gaar ahaan hogaanka sare oo qabyo ah, qof kasta oo daneynaya xisbigga waanu Soo dhaweeynayna inshallah Aniga dhawaan waan imanayaa, Ee dacaayadihii awalba ay fidin jireen qolooyinkan aanu tartamaynaa ayuun bay tani ka mid tahay si loo niyad jabiyo taageerayaasha xisbigga oo in badan Foore loo soo adeegsan Jiray”.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News