Hangoolnews.com
Gabaygii Dalsankii Nugaal
February 20, 2016 - Written by Hangool

PSX_20160121_163507

                  intaan ciid u dalandooli laa didibka maan joogo
intii aan daluun dhooqaliyo daasad qalaw laysa
Aan dare ku kala miisilaa maan dixaha joogo
Halo duud guduudani intay degelka ii joogi
Oo dulinku iga layn lahaa daawad dhaxalkeeda
Amaan xayn riyo ah didinlahaa xoolo dumar maalo
Maan bananka dhoodi iyo tago buurta dacalkeeda

intuu milix kusoo didi lahaa daasad lagu keenay
Maan daranta geeyiyo kurtimo haynka wada doogtay
intuu awrku sibirdiirmi laa dhagaxa duudkiisa
Maan kubo u sii daayo iyo qarashla daanteeda

intuu kaymo duur xuli lahaa bahalku deexjoogo
Maalin waynna uu didinlahaa aarka dolos layni
Maan dhidin cajelo iyo huftiro degelki maan geeyo

inta geedka duugiyo maraa dili lahaa soohan
ama uu ragaad daaliyaa daawad uu mudiba
ooy xerada dacalkeeda iyo heetin digo reero
Maan daacadii kalax u dhigo degel san weeyaane

awrkoo da’furay oo jadeer diirayaa dhimaye
Maan dawda saarkiyo dhirta leh daaqa sare geeyo

Yaaheel dushiisiyo halkii docoshi maan geeyo

intii uu baraag ood dudaleh daafta hore meeri
Darka adhigu uu galo intay dani kusoo qaadi
Maan gubadle dawdii u dhigo wuu durdurayaaye

intii uu tayuub dugul ahoo daamur lagu dhoobay
oo saacad aan dagiba’hayn diifta igu meeri
Maan dhabasta diirdiiran iyo doojin ugu saydho

inta qarash la iisoo dalici dibin wuxuu saaray
Oon Teneg dib ugu miisi laa wuu ka didayaaye
Durdurkii xargaga maan u dhigo haw durduur tago’e

Jilab iyo intuu daaqi laa duurka qodoxoobay
Ama xagar dushii feenan laa uu ku dacayoobi
Ama libawgu daankiyo indhaha diilin kagayeeli
Dalsankii Nugaal maan u raro dhoodi dacalkeeda

Diraacaha waxaa loo dhurtaa waa halkii dihine
Cawskiyo dureemaan la hurin doogi soo baxaye
Darka adhcadeeyiyo wiyeer waan la daynkarine
Cadaygiyo higlada dib u fufaan daaqu ka idlaane
Wadaamaha darkii ceelka kalax maan u dawdabo

Huftiriyo daluuntii mar kale maan u daadago
Maan dawliskii jabiyo iyo xadhigi loo daayay
Haku doobyo awrkii mar kale dagada jiilaale

WT Abdijibaar Aadan Gaas

COMMENTS
Latest News