Hangoolnews.com
“Midnimo Soomaaliyeed Oo Cadaalad Ku Dhisan Haddii La Helo Waan Raaci Lahaa”, Boqor Buur-madow
February 19, 2016 - Written by Hangool

Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buurmadaw ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan midnimada Somaliland iyo Somalia waxaana uu sheegay in gooni isu taaga Somaliland uu ka soo go’ay shacbiga Somaliland, balse aragtidiisa gaarka ah isagoo cabiraya ayuu sheegay inuu aaminsanyahay inaan soomaalidu kala maarmi karin.

Boqor-Buurmadow

Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buurmadaw ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in haddii uu helo cadaalad u dhaxaysa shucuubta Somaliland iyo Somalia inuu midnimada ku dhiiran lahaa waxaase uu sheegay inay arrintaasi tahay mid mustaxiil ah. Boqorka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Horta anigu madax-dhaqameed ayaan ahay wixii uu shacbigu goosto ayaan ixtiraamayaa laakiin aniga shakhsi ahaan haddii la I waydiin lahaa waxaan idhaahdaa haddii la heli lahaa midnimo cadaalad ku dhisan waan raacli lahaa waayo maraykanbaa kala maarmi waayay oo Yurub ayaa kala maarmi wayday laakiin wakhtigan la joogo waxaan soo dhowaynayaa wadahadalada Somaliland iyo Somalia, waxaan qabaa dad walaalo ah ayaynu nahay oo wax badan wadaaga, diin iyo dhaqan iyo afba waynu wadaagnaa laakiin Somaliland wixii ay tirsatay in lagaga wadahadlo mar walba waa laga sii fogaanayaa marka waxaan qabaa Somaliland markii hor muxubada iyo midnimada iyada ayaa keentay waxaana lagu yidhi diyaar idiin ma nihin markaa madaxda Somalia waxaan ku idhi waar haddii midnimadu idinka dhabtahay arrin keena taasina may dhicin, markaa waxaan aamisanahay in wadahadaladu sii socdaan oo wax llagu heshiin karo oo jaar la noqon karo” ayuu yidhi boqor Buurmadaw oo ku sugan dalka imaaraadka carabta.

 

Source Somaliland Today

COMMENTS
Latest News