Hangoolnews.com
Deg Deg Ah:Dawladda Kenya Oo Shaacisay In Ay Dishay Madaxii Sirdoonka Alshabaab Iyo Saraakil Kale
February 18, 2016 - Written by Hangool

Nairobi(HNG)Warkan kasoo baxay Taliska Milatariga Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Duqeyn Diyaaradahooda ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen Mahad Mohammed Karatey oo ay sheegeen in uu ahaa Madaxda Sirdoonka iyo Amniyaadka Al-Shabaab iyo Saraakiil kale oo kooxdaasi katirsan .

Afhayeenka Ciidanka Milatariga Kenya Colonel David Obonyo, ayaa Warbaahinta u sheegay in Diyaaradahooda dagaalka ay duqeyn ka dhacday Soomaaliya ay ku dileen Mahad Karatey iyo 10-kamid ah Saraakiisha dhaxe ee Xarakada Al-Shabaab .

Colonel David Obonyo, ayaa sidoo kale sheegay in Diyaaradahooda ay dileen dagaalyahano ka badan 40-dagaalyahan oo dhawaan dhameestay tababar ciidan loona diyaarinayay in ay fuliyaan weeraro sida uu tilmaamay.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay Dowlada Kenya ee ku aadan in ay dileen Madaxii Sirdoonka Xarakada Al-Shabaab iyo saraakiil kale oo kooxdaasi katirsan ,Al-Shabaab ayaa sidoo kale wali ka hadlin Warkan goordhaw Kenya baahisay.

Mahad Karatay oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa kamid ahaa raga sida weyn loo baadi goobayay oo katirsan Al-Shabaab, Dowlada Mareykanka ayaan sargaalkan madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 5 million oo dollar

Hangoolnews.com

Nairobi/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News