Hangoolnews.com
Rabshado Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Caasimada Hargeysa Iyo Waxa Uu Daarnaa Mudaharaadkii Saaka Dhacay
February 17, 2016 - Written by Hangool News

1f

Hargeisa(HNG)Mudaharaad balaadhan oo rabshado wata ayaa mardhawyd ka dhacay magaalada hargeysa.

Waxaana mudaharaadkan oo ay dhigayeen dadwaynaha magaalada hargeysa gaar ahaana xaafada jigjiga yar uu ahaa mid ay kaga soo  horjeedeen amar ay soo saareen maamulka dawlada hoose caasimada hargeysa oo ay ku burburiyeen boodhadhkii iyo meheradii ganacsiga  ee ku yaala suuqa isla markaan ay maamulka dawlada hoose sheegeen inay ka saarayaan sarfayn ay ku banaynayaa wadooyinka.

1d

Mudaharaadkan Ayaan sababin wax khasaare ah marka laga reebo dadwaynaha magaalada hargeysa oo taayiro ku gubay laamiya, waxaana markiiba meesha soo gaadhay ciidanka amaanka gobolka maroodijeex kuna guulaystay inay kala dareeriyaan dadwaynihii mudaharaadayay.

Sidoo kalena ciidamada booliska ee goobtaasi soo gaadhay ayaa xidhi xidhay qaar kamid dadkii goobtaasi ku mudaharaadayay.

1c1b

Rabshadan ayaa waxa sida ay dadkii dhigayay mudaharaadku no xaqiijiyeen in ay hore dawlada hoose ugu wargalisay in ay dib uga baxaan wadooyinka isla markaana ay dib uga dhigeen meheradahoogii wada kadibna ay dawlada hoose kaga daba timi halkii ay u gureen ee balantu ahayd in ay dib ugu baxaan,

Dawlada hoose ayaa iyadu sida caadada u ah waxay sanadkiiba mar bilawdaa hawl galo ay ku banaynayso wadooyinka caasimada hase yeshee waxa maalmo kadib dib usoo laabta dadkii gobahaasi ku ganacsan jiray oo iyaga anay dawlada hoose u qorshayn goob ay u wareejiyaan ganacsigooda,

 

1f

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News