Hangoolnews.com
Kulan Magaalada Hargeisa Ku Dhex Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Siyaasiyiintii Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye
February 17, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HNG)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa kulan saacado badan qaatay wuxuu shalay Magaalada Hargaysa kula yeeshay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka KULMIYE ku midoobay.

Xogo hoose oo uu helay Wargayska Somalilandtoday, ayaa iftiimiyay in Eng: Faysal Cali Waraabe u qadimay Isbaahaysiga qorshe siyaasadeed aanay hore ugu bandhigin labada Xisbi ee WADANI iyo KULMIYE oo ahaa Xisbigay kala cadhoodeen. Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa u muujiyay Xubnaha Isbaahaysiga KULMIYE rabitaan xoogan, kaas oo gaadhsiisan inuu diyaar ula yahay wax kasta oo suurto galin kara inay kamid noqdaan Xisbiga uu hoggaamiyo ee Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID)

 

Kulanka dhexmaray hoggaamiyaha UCID iyo Siyaasiyiintaas, waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha ku midoobay Isbaahaysiga KULMIYE, mana jirin cid ka maqnayd marka laga reebo Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isagu hore ugu cadeeyay inuu muddo ka nasanaayo Siyaasiyadda.

Lagama soo saarin war rasmiya kulankaas, sidoo kale kamay hadlin labada dhinac midkoona, waxayse xogaha uu heelay Wargayska Somalilandtoday xaqiijinayaan in loo balamay kulamo danbe oo ay yeelan doonaan hoggaanka UCID iyo Isbaahaysiga KULMIYE.

Xigasho: Wargayska Somaliland.Todey

COMMENTS
Latest News