Hangoolnews.com
Deg-Deg Mudaharaado Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Buuhoodle
February 17, 2016 - Written by Hangool News

Buuhoodle(HNG)Waxa magaalada Buuhoodle ka dhacay shalay ilaa maanta mudoharaadyo iska soo horjeeda oo ay dhigayaan dumar iyo caruur dad u badani.

mudoharaadyadan ayaa qaarkoodna ay dhigayaan taageerayaasha wasiir Xaglatoosiye halka kuwo kalena ay kasoo horjeedaan ,waxaanay dadkani taayiro ku gubeen wadooyinka magaalada Buuhoodle,iyada oo ay xidhan yihiin dariiqyada dhex mara magaalada Buuhoodle ,waxaana hawada isku shareeray qiiq tiro badan oo ay sababeen taayiro lagu gubaayo wadooyinka magaalada Buuhoodle.

1234567

dhanka kalena waxa wararku sheegayaan inuu magaalada kusoo noqday dagaal ooge Cali Khaliif oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa jiido u dhow magaalada Saax dheer,halkaas oo uu ku maraayey socdaal uu ku sheegay mid uu maamul ku

samaynaayo,waxaana dhinaca degaanadaasi usoo ruqaansaday ciidamada Qaranka,taas oo sababtay inuu firxad xalay kusoo galo magaalada Buuhoodle.

Hangoolnews.com

Hargeysa/.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News