Hangoolnews.com
Xukumada Somaliland Oo Sheegtay In Ay Sharci Daro Tahay Dhismaha Dekeda Ceel-Garde Ee Gobolka Saaxil
February 16, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)Xukumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dhismaha dekeda ku taala gobolka saaxil gaar ahaan meel 30km ka xiga dhinaca bari magaalada berbera,

Dhismaha dekedan oo mudooyinkii ugu danbeeyey si wayn looga hadal hayay guud ahaan Somaliland isla markaana ay keentay in ay beelaha wada dega gobolka saaxil qaarkood hawada isku mariyaan erayo xanaf leh, Wasiirku xigeenka amniga ee wasaarada rimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa waxa uu sharci daro ku tilmaamay dhismaha deked ayna dawladu ogayn in gabi ahaanba dalka laga dhiso wasiirku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee dhinaca amniga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi,

“waxaanay dawlad fasaxin oo ayna dawladi ogayn deked maaha, dekadaha dawladbaa maamusha iyada ayaa ogolaata iyada ayaa dhista iyada ayaa dhamaysa, iyadaa banaysa,iyada ayaa ciidan gaysa hadii ay u aragto in wax laga soo dajinaayo, sida maydh oo kale,sida saylac oo kale,sida berbera oo kalen Dekadaha aynu naqaanaa waa kuwaa,”

Wasiirku-xgeenka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in dalka ay dhibaato ku tahay dhismaha dekedo ay reero khaas ahi iska samaystaan isla markaana ay kala soo degaan waxa ay doonaan waxaanu yidhi,  “Hadii meel walba oo maxuu ahaayey badeeenaa dheer ee aad arkayso todobada boqol ee KM ah hadii reer walba yidhaahdo goobaan ka samaysanayaa meel aan wax kala soo dego dee dalku fowdo ayuu galayaa cashuurteenii midoobi mayso wax in laka leeyahay ayay noqonayaan wax loo baahan yahay maaha,”

“si qaldana waa loogu dhaqaaqay si qaldana waa looga dabo tagay oo waa shicib uun waxa ka dabo tagay laakiin waa in ay ogaadaan in dalka ay dawladi ka shaqayso oo waxii ay diido ay diido waxii ay fulinaysona ay fulinayso maaha in cid walba inta ay qori iska qaadato ay yeesho waxay doonto ninka wax diidaana in u yidhaahdo aniga ayaa gacantayda ku fushanaaya maaha ka kalena in u yidhaahdo aniga ayaa waxaa leh waan difaacanayaa maaha loogama baahnna dalka taa,”

Wasiirku-geenka amniga ayaa sido kale waxa uu Fariin u direy bulshada Somaliland oo ku saabsan u hogaansamida dawlada iyo ilaalinta amaanka dalka waxaanu yidhi, “cidkasta oo baloodhdhisanaysa ruqsad ayaa loo doontaa waaba se dekedo waxaan leeyahay bulshada Somaliland maaha in dalka aynu fowdo galino waa in aad kala garataan waxa aad xaq u leedihiin iyo waxa aydaan u lahayn” kii leh deked la dhisayo ayan awoodayda ku jojinayaa wax aad joojin kartaa ma jirto kii leh deked ayaan dhisayaana awood aad ku dhisato ma lihi dawlada ayaa dhisi karta,

Ugu danbayn wasiirka oo la hadlayay dadka deegaanka ceel-garde ee dhawaan ay dablaydu weerartay ayaa waxa uu u direy fariin dhinaca amaanka ah, “waxaan leeyahay shacabka kacsan hawl idiin taala maaha hawshaasi dawlada ayay u taalaa haday dekedo dhisayso iyo hadaanay dhisayn iyada ayay u taalaa shicib diidi karaana ma jiro shicib diidi karaana ma jiro”

Dhaqan xukumada Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xili mudooyinkii ugu danbeyey uu khilaaf baahsan oo ay sababtay arintani uu dhex yaalay beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka saaxil iyada oo dhawaana ay halkaasi ka dhacy shaqaaqo aan sababin khasaare kadib markii ay koox dablay qorshaysani soo weerartay goobta ay ka socotay dhismaha dekedaasi.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News