Hangoolnews.com
“Waxaan Odhan Lahaa Sheikh Aadan Siiro Haka Soo Baxo Masaajidka Hadii Uu Siyaasada Aad U Danaynaayo Golaha Ha Yimaado” Wasiir-Kuxigeenka Amniga
February 16, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)wasiir kuxigeenka amniga ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland xili uu maanta warfidiyeenka kula hadlayay magaalada hargeisa ayaa waxa uu si kulul u dhaliilay Sheekh Aadan maxamuud xiire (Aadan Siiro)oo ka mid ah culimada waawayn ee magaalada hargeisa isla markaana badanaa khudbadaha jimaca ee masjidka Quba kaga hadlla arimaha bulshada iyo hadba xaaladaha taagan wasiirku-geenka ayaa waxa uu sheikh ku eedeyey in uu is dhex wado siyaasada iyo diinta waxaanu ugu baaqay in uu kusoo biro saaxada siyaasada dalka kana soo baxo masaajidka wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisa,

“waxaan odhan lahaa sheikh Aadan Siiro haka soo baxo masaajidkoo hadii uu siyaasada aad u danaynaayo golaha ha yimaado oo xisbiyada mid haka mid noqdo ayaan ku odhan lahaa oon ku boorin lahaa kana fiirso Aadanow hadii aad cid wax la doonayso marka danbe ee ay helaan haka dabo tagin,

Geesta kale Maxamed Muuse Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ Skeekh Aadan Siiro waa ninkii u doodayey maktabadii Gaandi Library ee lahaa Gaandi Library ayaa cid laga iibiyey”

“halkan maanta la geeyey waa sheikh bashiir waxay khusaysaa waxbarashada waxa u joogsaday oo arinta soo asteeyey maayarka caasimada”

Wasiirkuxigeenka amniga maxamed Muuse Diiriye ayaa xiliga uu weerarka afka ah ku qaaday sheikh aadan siiro ka hadlayay dhismaha dekeda ceel-garde isaga oo sidoo kalena xukumada uu ka mid ka yahay ka difaacay eedaymaha ku saabsan iibinta hantida qaranka ee xadhkaha goostey.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News