Hangoolnews.com
Xuseen Deyr: Afhayeenkii Fududaa Oo Wasiir Noqday,
February 15, 2016 - Written by Hangool

Intuu af hayeenka ahaa dhib badan bay kala muteen isaga iyo saxaafaddu isaga oo ahaa nin cadho badan, dulqaad yar oo aan hore dad

Aan iskiin baro xuseen deyr.  Waxa uu badhtamaha kaga tegay oo dagaalkii ku dhacay 1991 isaga oo dhigta jaamacaddii Gahayr ee soomaaliya qaybta injineeringka, kadibna waxu tegay dalka holland oo uu uga sii gudbay dalka Ingiriiska halkaas oo uu qaxooti ku ahaa muddo 25 sannadood ah sida dadka kale. Intii uu halkaa joogay weligii wax shaqo ah muu qaban, mafaariishta qayilaadda ayaana wehel u ahaa haseyeeshee waxa uu si fiican u bartay af ingiriisiga taas ooka caawisay in uu qoro boqollaal maqaal oo axmed siilaanyo ku ammaanayo kuwaasoo aakhirkii uu ka helay booska afhayeenka madaxtooyada.

 

Intuu af hayeenka ahaa dhib badan bay kala muteen isaga iyo saxaafaddu

isaga oo ahaa nin cadho badan, dulqaad yar oo aan hore dad ula soo shaqayn isaga oo ay isku wada dhaceen dadkii madaxtoyada ka shaqaynayey oo dhan. Kaaga daranta hargeysana waxa uu ka helay fursad uu ku baashaalo hadh iyo habeenba iyo xorriyada badan oo qurbajoogga dalka ku soo noqdaa jecelyihiin.

Maanta wasiir buu u dallacay, hambalyo xuseen, waxase kaa horaysa gabiley oo ah meel hawl badan saddex waxyaaloodba way kaa hor iman karaan: adiga oo aan aqoon u lahayn dadka gabiley, adiga oo cadho badan oo neerfee ah, adiga oo wixii aad bixin lahayd u baahan, yeelkadede maxaa kaa galay iska shaqayo oo waxad heli karto ee ka soo hadha maxamuud xaashi iyo cali mareexaanba qaado.

 

Hussein Ismail <hnuuriye@yahoo.com

COMMENTS
Latest News