Hangoolnews.com
Xil-Suge eray ku jiray isku shaandhayntii xalay ee madaxwayne siilaanyo soo saarey oo bulshadu is waydiisay
February 15, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)Isku shaandheyntii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xilli dambe oo habeenimadii Axadii ku sameeyay Golihiisa xukuumadda, waxa ku jiray liiskii sida shaxda u sameysnaa ee madaxtooyaddu ku shaacisay isbedalkan dhawr masuul oo xilkii laga qaaday hase yeeshee lagu qoray Ereyga “Xil-suge” oo ah dhaqan ku cusub dawladnimada Somaliland, dadkuna fasiraad kala duwan ka bixiyeen.

Magacyadda Xil sugeyaasha lagu qoray waxa ka mid ahaa:

1- Mudane, Muuse Qaasim Cumar Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga, oo mansabkiisii loo magacaabay Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr).

2- Mudane, Yaasiin Maxamed Shide oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool, iyadoo xilkiisii loo magacaabay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).

Haddaba, waxa dadweynaha ka daalacday warbaahintu ay durba ka bixiyeen turjumaad ay ku masanuuninayaan ujeedada madaxtooyadu labadan masuul xil sugeyaasha ugu calaamadisay.

Dadka arrintan ka doodayay intooda badani waxay aaminsanaayeen in ereygani yahay mid ka turjumaya xilkiina kaa qaaday xayndaabka dawladdana ha ka fogaanina. Qaar waxay iyagu sheegeen inay u fahmeen in labadan masuul la doonayo in si gaar ah loo waqaqeeyo oo mushaharkoodii ay fadhiga ku qaataan.

Kuwo kale waxay ka badin waayeen in sidan loo yeelay si loogu baadh-baadho la taliyeyaal inay dawladdu ka dhigato.

Waxase jiray qaar intaas oo dhan ka arragti duwanaa oo doodoodu ahayd in labadan masuul xilal cusub loo dhiibay oo la yidhaahdo “XIL SUGEYAASHII.” Dadka ray’igan ku adkaysanayay waxay aaminsanaayeen inaanay jirin wax xil ah oo loo soo wadaa, hase yeeshee laga baqay in inkaaro ka dhacaan! Kuwa fikradan goobaha barkulanka  kaga arragti dhiibanayay waxay sheegeen in arrintani aanay ahayn markii u horeysay ee madaxweynuhu  uu qof xil laga qaaday “Xil suge” loo magacaabo. Waxaanay tusaale u soo qaadanayeen Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Maxamed (Cabdilaahi Geel-jire) iyo Maareeyihii hore ee hay’adda tayada agabka Siciid Saalax Mirre, labadoodaba iyagana waxa xilligii laga qaaday xilka lagu asteeyay xil sugeyaal haddana wali midna kuma uu soo bixin inuu masuuliyad kale ka qabto xukuumadda.

Turjumaadaha laga bixiyay ereyga “XIL SUGE” waxa kaliya oo macnaha dhabta ah ee looga jeedo garan kara Madaxtooyaddii wareegtada ku soo saartay,

Hargeisa.office

COMMENTS
Latest News