Hangoolnews.com
Waftigii uu hogaaminayay gudoomiye Cirro oo gaadhey magaalo xuduudeedka Lawyocado iyo soo dhawayn hor leh oo lagu qaabiley
February 15, 2016 - Written by Hangool

Lowyo,addo(HNG)Gudoomiyaha xisbiga Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro  oo xalay u hoyday magaalada Saylac waxaa uu saaka safar ugu sii baxay magaalada Lowyacado oo uu maro xadka Somaliland iyo Dalka Jabuuti

1

Gudoomiyaha iyo waftigii u hogaaminaayey  ayaa waxaa ay intii ay ku sii jireen  safarkaasi sii mareen isla markaana  ay mawjado tageerayaal ah kala kulmeen dadweynaha ku nool magaalada Toqashi    waxaana uu gudoomiyuhu halkaasi kala  Hadley dadweynaha meel fagaare ah waxaana uu sheegay in aanu olale u socon balse ay ku waci galinayaan in ay qaatan kaadhka cod bixiyaha si ay u muuqato awoododu

2

Intaasi ka dib gudoomiye Ciro waxaa sii watay safarkiisii Samo-Wade waxaana uu u xadhko xidhay dhinacaas iyo magaalada Lowyacado oo u maro Xadka Somaliland Iyo Jabuuti

3

Dadweynaha Rer Lowyacado  ayaa markii uu gudoomiyuhu soo gaadhay magaalada Lowyacado  waxaa ay kaga hor tageen  afaafka hore ee magaaladaasi waxaana ay  gudoomiyaha ku qaabileen  soo dhaweyn fooladeysan oo dholatus u muuqata taas oo dhalan badeshay dareenkii  gudoomiye Ciro4

Cabdiraxmaan Ciro Hogaamiyaha xisbiga Waddani waxaa uu ugu horeyn dadweynaha rer Lowyacado uga mahadnaqay soo dhaweyntaasi mowjadaha ah ee ay kala hortageen waxaana uu u sheegay in u jeedka ay u socdaan uu yahay  ku waci galinta sidii ay dadweynaha rer lowyacado u qaadan laheen kaadhka Diwaangalinta codbixiyaasha balse waxaa uu meesha ka saaray in uu u coday wax olale ah

56789
11
121314151617

1819202122

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News