Hangoolnews.com
Gabiley:Gobol Gabbal-Baas U Dumey Siyaasaddiisa.Warbixin,
February 15, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)Gabiley waa gobol taariikh iyo fac wayn ku leh Somaliland waxa kasoo jeeda siyaasiyiin,aqoonyahan,iyo waxgarad Meertada ama nolosha bulshada kaalin mug leh kaso ciyaaray,

Gabiley waxa ka curtey haldoor iyo shakhsiyaad siyaasada Somaliland guul usoo hooyey kuwaasi oo tan iyo intii xukumada haatan uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne siilanyo maalinba mid uu sadqaynaayey,

intaynaan warbixinteenan gabiley iyo gabbal baas baa u dumey dhaafin aynu usoo gundo degno siyaasiyiinta waqtigan uga arimiya xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo waliba khuraafaad-layaasha xukumada mudo kordhiska ah ee madaxwayne siilaanyo jeebka sare ku sidato kuwaasi oo ah laba wiil oo biqlo dhabad ku ah masraxa siyaasada Somaliland madaxwayne siilanyona usoo xushey in ay xukumada dhexe u mataalan gobolkaasi labadaasi oo kala ah wasiirka warshadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo sidoo kale afhayeenkii mudada kooban hayey xilkaasi Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo habeenkii xalay ahaa u dalacay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga mudooyinkii ugu danbeeyeyna u tafo xaydnaa sadqaynta adeerkii Dr Muuse Qaasim Cumar gayeysiiyayna jagada Xil-suge kadib markii isaga lagu dalacsiiyey xilkii adeerkii,

jjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjj

Falka noocane kuma cusba saaxada socod baradka siyaasiyiinta yar yare e kasoo jeeda gabiley horaantii sanadkii aan soo dhaafnay ayay ahayd kadib markii wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland C/Casiis Maxamed Samaale kana mid ah siyaasiiinta waqti xaadirkan saamaynta xoogan ku leh gobolka gabiley laga badalay wasiirkii maaliyada loona badalay wasiirka waxbarashada isla markaana uu ku gacan saydhay Samaale in uu qaato jagada loo badalay ee wasaarada waxbarashada iskana casiley waxa si fudud madaxwayne Siilaanyo ugu gacan haadiyey wasiirka haatan ee warshada shucayb oo ahaa maayarka degmada gabiley kaasi oo loo magacaabay wasiirka warshadaha iyada oo waxii intaas ka danbeeyeyna uu wasiir shucayb hawada u mariyey C/casiis Maxamed Samaale erayo ka baxsan anshaxa saaxada siyaasada ilaawayna abaalkii iyo garab galkii xiligii uu  u tartamayay maayarka iyo sido kale xiliyo ay ku kacsanaayeen gulufo siyaasadeed oo  xilka maayarnimo ay kaga qaadayeen xildhibaanadii uu gudoomiyaha u ahaa,

Bulshada Somaliland ayaa is waydiinaysa waxa ay labadan mas,uul ee cusub masraxa siyaasada Somaliland isla markaana aan aqoon badan u lahayn buslhada gobolka ay matalayaan ay kusoo kordhin karaan gobolka,

Iyada oo dhinaca kale la ogyahay in Gabiley ay ka mid tahay meelaha sida aadka ah ay ugu badan tahay mucaaridadu iyaga oo horena madaxwayne siilaanyo xili uu socdaal ku marayay ku salaamay kabo iyada oo ay ugu danbaysa in isla shalay xili ay marwada iyo xaawalayda kale ee qasriga madaxtooyada ka ag dhawi ay  tageen gabiley halkaasi oo ay kala kulmeen waji gabax laguna soo dhaweeyey kabo iyada oo taasina muujinaysa sida ay bulshada goblkaasi uga soo horjeedaan siyaasada xukumada kulmiye e haatan dalka ka talisa.

 

Hangool/Staffs

Hangoolnews.Com

Hargeisa/Office

Hangoolnews@Gmail.Com

COMMENTS
Latest News