Hangoolnews.com
Xog-Muhiim: Xukumada Somaliland oo Wareejinaysa Garoonka Kubada Kolayga ee Timacade
February 14, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)Xog ,rasmi ah  oo ay heshay Shabakada wararka ee Hangoolnews ayaa sheegaya in ay xukumada Somaliland wareejisey  garoonka kubada kolayga ee Timacade ee ku yaalay badhtamaha magaalada hargeisa gaar ahaan dhinaca bari ee Hindiya laynka,

baskit

Xogtani ay heshay Hangoolnews ayaa waxay sidoo kale tibaaxayaan in garoonkaasi lagu wareejiyey nin ay walaalo yihiin wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo isagu hore u iibsadey guryaha hindiya-lineka ee ka danbeeya isla garoonka kubada kolayga Timacade ee magaalada hargeisa,

Ninka ay walaalaha yihiin wasiirada maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Aadan ayaa isagu ka mid ahaa rag mudiiyinkii ugu danbeeyey ay xukumada Somaliland siinaysay qaar ka mid ah qandarsyaada dawliga ah ee dalka,

ciyaa

Dhinaca kale xogaha ilaa iyo hada soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedada ugu wayn ee uu marka hore u iibsaday guryaha ka hindiya-lineka ee ka danbeeya garoonka ay ahayd in uu helo wajhada hore ee garoonka timacade,

Maaha markii ugu horaysay ee ay xukumada Somaliland ay cid gaar ah ku wareejiso goobo muhiim u ah dhalinyarada iyo bulshada Somaliland dhawaan ayayna ahayd markii ganacsato kala duwan laba iibiyey dugsigii Hargeysa Wamens clubka iyo sidoo kale maktabadii wax akhriska ee Gaandi Library ee caasimada hargeisa.

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News