Hangoolnews.com
Sided U Aragta Inla Xuso Maalinta Jacaylka? W/Q: Hinda Cabdi Sheekh
February 14, 2016 - Written by Hangool

Qalinku waxa uu hiil u yahay naftaada iyo tayda labadaba, waxaanu halis ku yahay adiga iyo anigaba, wanaaguna waa danteena guud iyo gaar ahaanba, waana lagama maarmaan inaad ka digtoonaato wixii halis kuugu filan Daarta aduunyo, iyo teena Aakhiroba dhaqan ahaana ku wanaagsaneyn.Maqaalkan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentineâs iyo halka uu ka soo bilowday iyo Diintu waxa ay ka qabto.

Waa Maxay Valentine’s Day(Maalinta Jacaylka)

Waxaa soo socota maalinta 14ka February oo loo yaqaanno Maalinta Valentine oo ay dadku u yaqaanaan  Maalinta Jacaylka Aduunkaâ ama Valentine’s Day . Dalalka reer Galbeedka maalintaas waxaa leYs dhaafsadaa fariimaha jacaylka xambaarsan dadka is jecelna way isla xidhidhaan iyaga oo muujinaya in lajoogo maalin ku wayn Jacaylka ayna khasab tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylka! ama uu xornimadiisii u helay sidaa darteedna ay waajib tahay in la xuso oo xushmad lasiiyo.

Marka aad is weydiso magaca valentine waaxa markaba dhagaha

Ku so dhacaya in uu yahay maalin loogu magac daray qofmartabad kuleh Diinta Kiristaanka,

Han soo  qadano aragtiyada ayaada ay ka amiin sanyihiin dadka wax ka qoray Valentinedayga

malinta jacaylku halkay katimid ? Inkasta oo ay jiraan fikrada kala duwan oo laga qabo halka ay katimiday hadana waxaa la,isku waafaqsanyahay inay kusoo wada biya shubteen dadka haysto Diinta Kiristanka  ah ama reer galbeedka.

hinda

tusaale ahaan waxaa layidhaahdaa ,maalintani waxay ahayd maalintii ladaldalay

wadaadkii kiristaanka ahaa ee la’odhanjiray (saint valentine) wadaadkan sida ay sheegayaan waxaa lagu dilay arin ahayd waqtigaas boqorkii maamulayay dalkaasi Talyaaniga oo mamnuucay in la isguursado ,,ayuu wadaadkan iyo wadaad kale oo ay saaxiib ahaayeen ayaa waxay ku kaceen inay isku guriyan dadka,, jabiyaana xeerkii uu udhigay boqorku dabadeedna boqorkii wuxuu maqlay warkii sidii ayaana lagu daldalay labadii wadaadba ,taasi waa mid waxaa kaloo layidhaahdaa malinta jacaylku waxay kabilaabantay magaalda Roma waxaana loogu magacdaray boqoradi laa odhanjiray (Juno).

Aragtidani waa tuka duwan tii aad horay u soo aragtay.

Marka ay dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentin’es waxaad markiiba dareemaysaa in magacaani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Romaanka ,Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay, hadane loo xusaa ilaa maanta oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jacel lagu sheegaa, xafladahana ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?.

Qarnigii Sadex Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) ayaa waxaa jiray Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaas oo ahaa Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa. Balsa nasiib darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkaan aan geeridiisii u dabaaldegayaan maanta lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta, Valentine Wuxuu  bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in laa geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine,

Sida ay sheegaan dadka taariiqda Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday gabahd dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabadh uu dhalay Ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga Valentine, Hadaba  waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xidhnaa, warqadas oo ciwaan uga dhigay”Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaadhtay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay, oo hadii maalinkaas qof iyaga ka mid ah hilmaamo ama ilawo loo micneeyo inuusan jaceleyn .

Waxa aad looga murugooda ah inay maanta dadkii ku abtirsanayay Diinta islaamku kala garanwayaan maxad leedahay iyo maxaanad lahayn maxaa sharciya iyo maxaa xaaraana waxaad moodaaa inay isku soohadheen ciilkama kore iyo calooshii laciyaar Maanta oo ay tahay bisha feberoury 14 waxaa loo yaqaanaa inay tahay maalinta jacaylka aduuna dadka isjecelna ay caadaysteen inay maalintaa siiyaan ahmiyad ugara jacaylkooda sanad guure uga dhigaan.

waxaad arkaysaa maalintaas inay cirka isku shareeraan ubaxyada xanjooyinka wadnaha kasamaysan love ka iyo waxyaaba badan oo astaan u,ah jacaylka waxaana dhacda mararka qaarkood inay dad dhan oo magac kuleh aduunka

maalinkaas is guursadaan si,ay uga dhigaan astaanta guurkooda maalinka jacaylka hadaba akhriste inyar ii ogolow inaaan kuwaydiiyo dhawr su,aalood !

Maalinta Jacaylka Adunka  Ma Loo Dabal Degi Karaa,Oo Ma Tahay Maalin Muteysatay In Loo Dabal Dego? hadii aad aqligaaga si sax ah ugu laabatid waa Maya, dhowr sababood daraadood:

1) Horta hadii aan nahay umad islaam ah waa in aan ka soo horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah Kiristanka Iyo Yahuuda, oo waa in aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan, maadaama aan kala nahay dad aan Diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneyn Adduunyo iyo Akhirane aan isku wax ka sugeeynin.

2) Nin gaal ah maalinkii uu bakhtiyay in lagu farxo, oo hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo, oo lamaana kasta ay si gooni ah u qaddariyaan, taas oo micnaheedo yahay in ninkii (Valentinis) bakhtiyay la xusaayo, oo laga xunyahay daldalkiisii, Taasna Diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola, oo waa mamnuuc in aad Gaal xustid u ooy ama u qosole.

3) Umadda islaamka ah waxeey leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida,Ciid Ramadaan, Ciidu Adxaa, (xajka kadib), iyo Usbuuc kasta maalinka Jimcaha, oo shaqada iyo iskuulaadka  laga nasanayo .

Intaas waxaa dheer in Reer kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladane u wada dhigtaan.

Hadii xaflada qoyska u gooni noqon karta aan tusaale ka soo qaato waxeey noqon karta, Malinkii ay lamaanaha is qaba isguursadeen/jaceylaadeen, dhalashadii ciyalkoda iwm. Dal ahaan waxaa loo wada dabaal dagaa maalinka uu dalkeena xoriyada qaatay oo kale, Marka in aad adiga sameeysatid maalin kale oo aan soomaali hadii aan nahay aan dhaqan ahaan u aaminsaneyn, xaqiiqa ahaane aan Reer Galbeed kaga timid, kaaga daranta aan sal iyo baar meel ay Diinteen ugu taalo la arag, lana aqoonin waa bidco, kaana mamnuuc ah hadii aad tahay qof Islaam ah.

Rasuulkuna waxuu yidhi S.C.S.W. isagoo inooga digaaya:”Bidca kasta waa baadi, baadi kasta Naarta ayaa la gelinaaya”

4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii waddankiisa,Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl oo u qaaday dumar fara badan uu guursaday, Dadka is jecel waxeey ku doodaan maanta in qof walba hal qalbi leeyahay, markii sidee  ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamaa inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaas oo dumar, weliba wada guursaday? Soo lama odhan karo Valentine naftiigisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo aaminsanyahay in uusan jirin qof laba qalbi leh! Soo lama odhan karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeey waxuu ahaa ninka maanta looga mahadinaa in jaceyl jiro (Valentine’a day)? Su’aalahaan waxeey quseeyaan, oo aan ku baraarujinaya dadka ku guda jira xusida malintan .

Su,aaal,,maxaa inoogu wacan inaan dhaqanka gaalada si,indhala ula xusno teenana lagu tilmaamo inay tahay xadgudub wayn ?Waxaan cidina daah kasaaranayn inay gaaladu aaminsantahay ciida carafo ee u,ah dadka muslimiinta farxada ugu wayn inay tahay maalin lagu xadgudbay xuquuqda xoolaha waanad wada aragtaan oo maaha waxqarsoon dhamaan idaacadaha aduunka waalaga sheegaa ,ma arkaysid xataa iyaga oo shaqooyinkooda kafadhiya ,,maxaa inoogu wacan inaan noqono dadbilaa damiira oo hadii daasad latumaba daba joogo wallaaaaaahi waa wax laga xishoodo malinta Jacaylka ay inala rabaan waa noocma?

Waxa ay inala rabaan mushriknimo maaha jacayl sharciya ee waxay doonayaan jacayl baneyey tumashada  dad an meher iskugu xidhneyn xalala an isku ahayn.

Dad badan ayaa waxad moda  inay ufahmi doonaan inay Diinta Islaamku diidayso jacaylka taasina waa been Diinta Islaamku jacayl inuu jiro kama soo hor jeedo lakin waxay inoo ogoshahay jacayl gogoldhig u ah guur sharciya.

Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra, inta Illaahay ingu waajibiyana ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl u bahan oo wakhti in aad sisid ay tahay, oo aan hubaa in maantay inteena badan khaas ahaan dhalinyarada wiilasha iyo gabdhaha iskugu jiro weey ku adagtahay ineey ka soo baxaan waajibaadka Illaahay saaray,Mana ahan wax wanaagsan waana maan gaabnimo iyo axmaqnimo tii ugu danbeysay weliba inteey ku fogsan yihiin  waxaan lo dirsanin, ajar iyo xasanaad midna in kugu jirin oo anaad danbi moye wax kale ka fa’iidayn , cadho Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane.

La jeclaaw nooolashada  iyo khaas ahaan muslimiinta WANAAGA ADDUUN IYO JANADA AKHIRO OO AAD NAFTAADA LA JECESHAHAY, KAGANA DIG XUMAANTA IYO CADAABKA RABI WEEYNINKIISA, SOO XASUUSI SIRAADKII AAKHIRO!.

Dignin:

Shaqsi ahaan waxaan  dhalinyarta ku guda jira xusitaanka maalintaas u sheegi laha  in ay iska dayaan  xusida maalintas, qof  aan Diin laheeyn  waa qof bila imana ah Maalita  Valentine jaceylkiina iyo guurkiina waxba ku soo siyaadin mayso in ay wax inga xumayso moye.

Hafeef :

Maha inta xusta ,lakin waa inta ku guda jirta xusida maalintas ee amiinsan maalintas.

W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

Hinda20999@gmail.com

COMMENTS
Latest News