Hangoolnews.com
Qaramada Midoobey Oo Shaacisey Tirada Dadkii Ku dhintey Colaadaha Dalka Afganistan Sanadkii 2015 kii
February 14, 2016 - Written by Hangool

Wanshiton(HNG) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada shacabka ku waxyeeloobay colaadda Afghanistan ee sanadkii 2015ka ay gaartay heerkii ugu sareeyay.

Tiradaasi ayaa boqolkiiba 4 ka sareysa tii sanadkii ka horeeyay, ayadoo 3,500 oo qof oo rayid ah ay sanadkii lasoo dhaafay dalkaasi ku dhinteen, halka dhaawacuna uu gaaray 7,500 oo qof.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Zeyd Racad Al Xuseyn, ayaa sheegay in shacabka Afghanistan ay waxyeelo kasoo gaareyso “weerarro arxan darro ah oo aan mabda’ lahayn”.

Afganistanm

Waxa uu intaa ku daray in kuwa mas’uulka ka ah ay tahay in cadaaladda la hor keeno.

Tirooyinka ay soo bandhigtay Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in boqolkiiba 62 ay dadkaasi waxyeelada kasoo gaartay xooggaga ku kacsan dowladda, boqolkiiba 17 ay sababeen ciidammada dowladda, halka boqolkiiba 17 kalana ay ku waxyeeloobeen rasaas la isweydaasanayay.

 

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com    

COMMENTS
Latest News