Hangoolnews.com
Murashaxiinta U Taagan Doorashada Dalka Uganda Oo Dood Adag Ka Yeeshay Ciidamada Ka Jooga Somaliya ,Madaxda Iyo Siyaasiyinta Somaliyana eedeeyey
February 14, 2016 - Written by Hangool

uganda

Muqdisho(HNG) Xilli lagu Wado inay Toddobaadkan ka dhaco Dalka Uganda Doorashada Madaxweyenimada oo ay ku Tartamayaan Siddeed Murashax oo midi ay tahay Haweeney tahay ayaa waxaa xalay dhex-martay Dood Kulul oo ay inteeda badan uga hadleen Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Murashaxiintan oo dooddoodu ka baxaysay Telefisihinka ayaa ahayd middii ugu horreysay oo uu ka qaybgalo madaxweynaha hadda xilka haya, Yoweri Museveni, waxaana dooddan ay murashaxiintu yeesheen diiradda lagu saaray siyaasadda gudaha iyo tan dibadda dalka Uganda.

Hoggaamiyaha Axsaabta Mucaaradka ugu weyn, Jen. Kizza Besigye oo ah nin ay aad isku hayaan madaxweyne Museveni ayaa ka hadlay ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo inay howlo nabad-ilaalin ah loogu diro Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xaaladaha Nabad-galyo Xumada ah ee Somalia ka jira ay yihiin kuwo ka dhashay hoggaan-xumada madaxda dowladda Somalia iyo siyaasiyiinta kale.

Aniga Waxay ila tahay in nabad-galyo darrada Somalia ka jira ay tahay mid ka dhalatay siyaasad-xumada jirta, marka haddii aad isku daydo inaad taageero iyadoo siyaasaddu ay tahay mid aan wanaagsanayn, waxay noqon kartaa mas’uuliyad-darro aad sameysay,” ayuu yiri Kizza Besigye.

Dhanka kale, Murashaxa kale ee ugu awoodda badan mucaaradka Benan Braro oo isagana awood badan leh ayaa kula taliyay Soomaalida inaysan ka sugin in wadankooda ay u dhisto Uganda, balse ay ogaadaan in iyaga looga baahan yahay inay dalkooda dhistaan.

Kaalinta Cidanka AMISOM ee Somalia ku sugan waa inay abuuraan Jawi ay Somaalidu Dalkooda ku dhisan karaan; balse ma garanayo waqti cayiman oo aan Ciidamadeenna kala soo bixi karno Somalia,” ayuu yirii Braro.

Ugu dambeyn, Doorashada Madaxnimo ee dalka Uganda ayaa waxay dhacaysaa Khamiista nagu soo fool leh, iyadoo doorashadan ay noqonayso tii ugu adkeyd ee soo marta Uganda; isla markaana ay jiraan baqdin laga qabo inay ka dhshaan rabshado iyo gacan ka hadal.

Hangoolnews.com

Muqdisho.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News