Hangoolnews.com
Mudaharaad Maanta Ka Dhacay Magaalada Burco
February 14, 2016 - Written by Hangool

Burco(HNG)Dirawalada gaadiidka loo yaqaan bajaajta ayaa manta magaalada burco ka dhigay mudaharaad socdey mudo kaasi oo aan sababin wax khasaare ah,

mudaharaadbb

Dirawalada gaadiidlayda bajaajta ayaa waxa sabab u ahaa mudaharaadkani ay dhigeen amar dhawaan kaso baxay gudiga nabad galyada magaalada burco oo ka koobanaa maamulka gobolka togdheer ayaa waxay ku shaaciyeen amar ah in gaadiidka bajaajta aanay kaxayn Karin qof aan sharciga liisanka wadan isla mar,ahaantaana aanay da,diisu ka yarayn 20sano jir,mudaharaad

 

Sida wararka naga soo gaadhaya magaalada burco ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadkii dhigayay mudaharadkaasi ay ciidamada booliska Somaliland xabsiga dhigeen,

Ugu danbayn ciidamada booliska magaaladaasi ayaa ku guulaystay in ay damiyaan mudaharadkaasi kadib markii ay kala dareeriyeen dadkii iyagu gubayay taayirada ee ahaa dirawalada gaadiidka loo yaqaan bajaajta

 

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com  

COMMENTS
Latest News