Hangoolnews.com
Madaxwaynaha Somaliya Oo La Kulmay Qaar Ka Mid Ah Madaxdii Kasoo Qayb Gashay Shirkii Amniga Ee Ka Socdey Magaalada Munich+Sawiro
February 14, 2016 - Written by Hangool

Munich(HNG)Madaxwaynaha dawlada federaalka ah ee dalka somaliya xasan sheikh maxamuud oo dalka kaga qayb galayay shirka nabada iyo amniga caalamka ee loo yaqaan (Munich security conference,) (MSC-2016)  ayaa manta shirkaa ka bacdi waxa uu kulama kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii caalamka ee kasoo qayb gashay shirkaasi,

Madaxda uu la kulmay xasan sheikh ayaa waxa ka mid ah John Aliason oo ah kuxigeenka xoghaya guud ee qaramada midoobey iyo sidoo kale wasiirka arimaha dibada boqortooyada norwey xoghayaha arimaha dibada dalka Uk wasiirka difaaca jarmalka iyo sidoo kale xubno ka mid ah madaxdii kaso qayb gashay shirkaasi,

Kulamadani uu madaxwaynaha somaliya la qaatay madaxda ayaa la isla gartay sida wararku nagu soo gaadhayaan adkaynta iyo nabadgalyada dalka somaliya iyo sidoo kale geeska Africa, xoojinta xidhiidhka dalalkaasi iyo somaliya,

Ugu danbayn xasan sheikh waxa uu ugu mahadnaqay madaxdii uu la kulmay sida ay somaliya iyo shacabkeeda ula shaqeeyaan dalalkaasi uu la kulmay.

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

Hangoolnews@gmail.com    

COMMENTS
Latest News