Hangoolnews.com
Maayarka Hargeisa Oo Xafiiskiisa Kaga Muquurtay Hoteelada Dawlada Hoose Ka soo Hor Jeeda
February 14, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)Maayarka caasimada hargeisa c/raxmaan maxamuud caydiid soltelko ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey aan fadhiisan  xafiiskiisa isaga oo hoy xafiis ka dhigtey huteelada kasoo hor jeeda dawlada hoose ee hargeisa,

Arinatani oo ah mid ku cusub nidaam xafiiseedka shaqo ee dawlada hoose ayaa waxay indhahaagu qabanayaan ilaalada maayar iyo gaadhigiisa oo xafiiska iyo xarunta dawlada hoose dhex tuban  halka maayarku  joogo kaso hor jeedka xarunta dawlada hoose iyada oo hadiiba aad xidhiidh dhow leedihiin ay ilaaladiisu kuugu gaynayso huteelka uu fadhiyo oo aan waxba sidaa uga fogayn xafiiskiisa dawlada hoose,

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Arintani cusub ee haatan lagu arkay maayarka ayaa waxa ay la yaab ku noqotay dadka iyagu doonayay ama hawlo shaqo oo dhinaca fulinta ah uga baahnaa maayarka caasimada hargeisa,

Waxaana sida warar rasmi ah oo shabakada wararka hangoolnews heshay isla markaana ka waraysatay dadkii iyagu goob jooga u ahaa maalamahii lasoo dhaafay ee uu maayar soltelco bilaabay in uu ka muquurto soo fadhiisadashada xafiiskiisa.

Nidaamka shaqo ee cusub  maayarka ayaa wuxuu fajaciso ku noqotay dadwaynaha magaalada hargeisa kuwaasi oo la yaab ku noqotay in maayarkii dhanaa e caasimadu uu huteel iska dhex fadhiisto isla mar,ahaantaana uu halkaasi kula sheekaysto asxaabtiisa iyo cida uu isagu si gaar ah u doonaya,

arinatani ayaa kusoo beegmaysa xilli badiba dadwaynaha ku dhaqan caasimada hargeysa ee danahu ay kaga xidhan yihiin dawlada hoose ee hargeysa ay maalin kasta galinka hore dhex tuban yihiin gaydhka dawlada hoose ee hargeysa iyada oo marka aad dadkaasi waydiiso sababta ay kuu sheegayaan in ay dhibaato ka haysato aragtida maayarka ayna kusoo noqo noqanayeen mudooyin kala duwan,

Hangool Staff

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News