Hangoolnews.com
Maareeye Xoor Xoor Lug Intee Leeg Ayuu Ku Lahaa Weerarkii Dablayda Hubaysani Ku Qaaday Dhismaha Dekeda Ceel-Garde
February 14, 2016 - Written by Hangool News

Berbera(HNG)Xoor Xoor Oo Ay Ku Cadaatay Inuu Lug Ku Lahaa Weerar Kii Ceel Garde Lagu Qaaday Waxaa cadaatay in dablaydii Maalintii Shalay rasaasaysay Dekedda Ceelgerde uu ka danbeeyey Falkaasi Lagu Weeraray Maareeyaha Dekada Berbera Cali Xoorxoor taas oo ay cadaynayso hadalkiisii ahaa inuu aad uga xunyahay dhisida Dekeda Ceelgerde, Dekedaas oo sida lawada ogsoonyahay ah Deked Kaluumaysi kana haysa Sharci Wasaaradda Maaliyadda iyadoo ay cashuuro usoo xaraysay bilihii lasoo dhaafay Wasaaradda Maareeye Cali Xoor Xoor Ayaa Ayaa Mihii Ugu Danbeeyey Ku Hawlanaa Car Qaladay Iyo Joojin Dhismaha Dekadaasi Waxaana Uu Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Warbaahinta Horkeenaayey Odayaal Ku Hadlaaya Afka Gobalkaasi Islamarkaasina Ka Xun Horumarka Ku Soo Kordhay Gobalka Saaxil Ee Ah Dhismaha Dekada Qadiimigaa Ee Ceel Garde Cali Xoorxoor waa nin aad uga macaasha qabyaaladda taas oo ay tusaale u tahay mudada uu ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland oo marnaba aanu booskaas ka degin, sababna u tahay hayta maareeyenimadiisa qabyaaladda uu ka huriyo gobolka Saaxil iyo dakhliga Dekeda oo uu ku laaluusho marba cidii maamulka Dalka haysa, waxaana ka mida Cadaymahaas

xoor xoor

Safarkii ugu danbeeyey ee Muuse Biixi ku tagay Burco kharashka uu ku bixiyay Cali Xoorxoor waxa uu ugolaaday Sheekha Kuwatiga ee megaalada Sheekh degan inuu Deked gaar u ah o uu ka dhoofiyo macdanta dalka oo dhan kasiiyo megaalada Berbera, iyadoo taas muqaabilkeeda waxa uu ka faaiiday tahay in wiilkiisa Maxamed Cali Xoorxoor oo Ingiriiska laga keenay shaqo laga siiyay Dalka Kuwait, iyadoo wiilkaas Maxamed Cali Xoorxoor kharashkii arooskiiska oo hargeisa ka dhacay uu bixiyay Sheikha Dalka Kuwait.Maamulaha Haamaha shidaalka Adeer ayuu u yahay waxaanu kusoo koriyay lacagta umada ka dhaxaysaCumar Xoorxoor oo ay walaalo yihiin Maareeyaha Cali Xoorxoor wuxuu wakiil u yahay dhamaan doonyaha shidaalka ee dalka Yemen u tahriibiya iyo waxyaabo badan oo kootarabaan ah sida sigaarka Royal.Xafiiska Maareeyaha Dekeda Berbera haddii aad Sawir ka qaado hortiisa waxaad is odhanaysaa waa meesha megaalada qashinka lagu qubo, gudihiisuna waa mafrash uu Cali Xoorxoor ku cuno dhawr jawaan oo qaad ah maalinkasta.Cali Xoorxoor Waa qofka haddii aad saxeex uga baahato aanay suurogal ahayn inaad u gasho iyadoo aanay suurogal ahayn inay kuusii daayaan askarta xafiiskiisa hortaagan aanad arkayso in maalin kasta dad badan hortaaganyihiin Xafiiskiisa.

Ugu danbayn waxaan leeyahay Cali Xoorxoor waa Gafahanaha dalka nuugay ee qalajiyay habeen iyo maalina ku macaasha Qabyaaladda aanan rajaynayo in qoraalkani wax badan ka iftiimiyay shakhsiyadda Cali Xoorxoor.

Hangoolnews.Com

Hargeisa/Office

Hangoolnews@Gmail.Com

COMMENTS
Latest News