Hangoolnews.com
James Rodriguez: Cid Waliba Way Ku Faa’iday In Zidane Uu Shaqada Macalinimo Ee Madrid Qabto
February 14, 2016 - Written by Hangool

Sports(HNG) Weeraryahanka kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku faa’iday in Zinedine Zidane ;agu badaly macalinkii la ceyriyaya ee Rafael Benitez, James ayaana shalay kamid ahaa xidigihii ugu fiicnaa ee kulanki ay Madrid 4-2 ku garaacday kooxda Athletic Bilbao iyagoo ka dhigay Santiago Bernabeu bandhiga lagu daah furo goolsha maadaama ay afar kulan ku ciyaareen ugu yaraan ay afar gool dhalinayeeyn kulankiiba.

james-rodriguez_416x416

Xidigaan heerka caalami ee Colombia ayaa ku soo laabtay shaxda kooxdiisa markii uu dhaawacmay Gareth Bale wuxuuna haatan ka ciyaarayaa agarbkii uu baneeyay Bale wxuuna isagoo saxaafada la hadlayay yiri “Waxan dareemayaa wanaag badan kama fakaro waxyaabihii hore, kaliya waxaan ka fakaraa waxa hada dhacaya”.

“Isbadalka macalin waxay noo aheyd wax fiican uu qof waliba ku farxay, ma aha aniga kaliya ee dhamaan ciyaartooyda, sidaasi waxaad ka dareemeysaa ciyaarteena, Zizu wuxuu na siiyaa dhiirogelin badan si aan ugu ciyaarno si fiican,”.

Kadib marka ay Roma la soo ciyaaraan arbacada lugta koowaad ee Champions League wareegiisa 16 Los Blancos ayeey wali sii horyaalaan kulamo adag waxaana u balansan Atletico De Madrid oo dhib badan u geysata markasta oo ay kulmaan.

Sports

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

Hangoolnews@gmail.com    

 

COMMENTS
Latest News