Hangoolnews.com
Hordhaca Kulanka Kooxaha Arsenal Iyo Leisecter City
February 14, 2016 - Written by Hangool News

arsenal lesSports(HNG)Premier league ayaa ku laabanaya waalidiisii galabta marka ay fooda isdaraan dhamaan afarta koox ee ugu sareysa horyaalka kuwaasoo min labo labo isugu dhici doona, waxaana natiijo waliba oo timaada wali hogaanka horyaalka sii heyn doona kooxda Leicester City laakin kadib 180 ka daqiiqo ee labada kulan waxaa jiri kara farqiyo waa weyn oo soo baxa, hadaba halkeey labada koox ee Arsenal Vs Leicester ku kala badan karaan ?

Laurent Koscienly Vs Jamie Vardy.

Vardy ayaa qiray daafaca ugu adag ee premier league uu yahay Koscienly isagoo ku tilmaamay mid aan laga abxsan akrin inkastoo kulankii hore ee ku dhamaadya 5-2 uu labo gool u dhaliyay kooxdiisa, daafaca ree Farbce ayaa leh awood xoogan oo dhanka hawada iyo dhulkaba ah sidoo kale wuxuu leeyahay orod uu durbaba la soo jeesto kaasoo uu kaga hortagi karo Vardy oo xawaarihiisa aad u dheer yahay.

Weeraryahanka England oo ku jira waayihiisa nololeyd kuwaadii ugu fiicnaa ayaa isna isku dayi doona inuu kooxdiisa ka caawiyo sii wadista duulaanka ay wadan, saameyn weyn ayeeyna ciyaarta ku yeelan karaan labadaan nin gaar ahaan kii awood badiya.

Mehrez Vs Nacho Monreal.

“Kaliya Messi ayaa lugta bidix ku sameyn kara waxyaabaha uu Riyad Mehrez lugtiisa bidix ku sameynayo” sidaasi waxaa yiri Jamie Carragher oo qaba in Algerian kaan uu yahay mucjiso, sida cad uma baahna sheeko badan xidigaa wuxuuna kala dhantaalay dhamaan shantii koox ee waa weyneyd ee uu xili horeba ka horyimid (Man City, United, Chelsea, Liverpool iyo Tottenham) isagoo mid waliba ama gool ka dhaliyay ama mid ku caawiyay, taasi waxay cadeyneysaa inuu yahay xidig kulan weyn.

Mesut Ozil Vs N’Golo Kante

Si gaar ah waxay u mudan tahay in la daawado ciyaartaan ayaa ah dagaalka ba’an ee khadka dhexe ka dhici doona, Haa Francis Coquelin iyo Danny Drinkwater oo labadaba xidigo ah ayaa ciyaaraya laakin waxaa bandhiga ugu badan laga filanayaa mucjisaadkaan France iyo Germany u kala dhashay,

Kante ayaa afka qabtay Silva iyo Yaya Toure taasoo keentay in lagu baraarugo inuu yahay sirta qarsoon ee Leicester halka Ozil uu wali raadinayo cid afka qabata wuxuuna xili ciyaareedkaan qaadanayaa kiisii ugu fiicnaa ee abid, hadii ay Gunners qaado horyaalkana isagaa dabcan sababta leh.

Alexis Sanchez Vs Simpson.

Daafaca Leicester ayaa shibiyay Raheem Sterling oo aan aragnay kaliya lao jeer todobaad dhamaadkii hore wuxuuna ku lug lahaa goolashii ay dhalisay Leicester labo kamid ah, hadii uu qaab ciyaareedkiisi todobaadkii hore ku celiyo dabcan wuxuu qaban karaa shaqo adag laakin wuxuu ka hor imaan doonaa Alexis Sanchez oo isna aaan sheko u baahneyn, xidiga Chile ayaa jaceyl u qaba kooxdaan, ku drasoo maanta ayaa lagu sheegaa maalinta jaceylka aduunka, miyuu sii kordhin karaa jaceylka uu u hayo kooxdaa ? Afar gool ayuu ugu deeqay sadex kulan oo Epl ka uu kaga horyimid kooxdaan sidoo kale waa kooxda kaliya ee ingiriiska ah uu ka dhaliyay sadexley.

Sports

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

Hangoolnews@gmail.com    

COMMENTS
Latest News