Hangoolnews.com
Arsenal Oo Guul Dahabi Ah Waqtigii dheeriga ahaa Garoonkeeda Kaga Gaadhay 10 Ciyaartoyda Oo Leciester City Ah, Daniel Welbeck Oo Soo Laabashadii Goolka Guusha Gunners Isku Xusuusiyay Jamaahiirta
February 14, 2016 - Written by Hangool News

Arsenal ayaa guul ay ku rafaaday oo xili danbe ah Emirates Stadium kaga gaadhay 10 ciyaartoy oo Leicester City ah, waxayna Arsenal guushan xili ciyaareedkeeda muhiimka ah ay ku gaadhay 2:1. Inkasta oo ay Leicester City hogaanka ciyaarta u haysay ilaa daqiiqadii 69 aad haddana Arsenal ayaa awooday in ay laba gool la timado iyada oo Leicester City lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy waxaana kaadhka cas laga siiyay  Danny Simpson, Theo Walcott iyo Daniel Welbeck ayaa badbaadiyay xili ciyaareedkan Arsenal iyada oo Welbeck uu daqiiqadii 95 aad goolka guusha u dhaliyay Gunners inkasta oo garsooraha afraad uu afar daqiiqo ciyaarta ku daray taas oo niyadjab ku noqotay Leicester City.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda hogaanka horyaalka ku raaxaysanaysay ee Leicester City oo wali sii wada in ay ku riyooto hanashada horyaalka Ingiriiska, wuxuuna kulankani ahaa mid si wayn loo sugayay isla markaana labada kooxoodba muhiimad gaar ah u lahaa.44Shixihii labada kooxood ee kulankan:

Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Coquelin, Ramsey; Oxlade-Chamberlain, Ozil, Sanchez; Giroud.

Kaydka: Ospina, Walcott, Flamini, Chambers, Welbeck, Campbell, El Nenny.

Leicester (4-4-2): Schmeichel; Simpson, Morgan, Huth, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Kante, Albrighton; Okazaki, Vardy.

Kaydka:King, Gray, Ulloa, Dyer, Wasilewski, Chilwell, Schwarzer.

Arsenal ayaa ciyaarta dardar fiican ku bilaabatay iyada oo xili horeba uu Oxlade-Chamberlain fursad fiican helay laakiin fursad abuurista Gunners ayay difaaca Leicester City si fiican iskaga ilaaliyeen halka Leciester City ay daqiiqadii 14 aad ugu dhawaatay in ay la timaado goolka furitaanka balse Fuchs iyo Okazaki ayaa dhibaato ku abuurayay Gunners  waxaana la tilmaamay in uu offside jiray.

Ciyaarta ayaa noqotay mid weerar iyo weerar celis ah isla markaana ay labada kooxood ku raadinayeen goolka furitaanka. Laakiin fursad abuuris iyo weerar badan kadib daqiiqadii 43 aad ayay Leicester City soo qaaday weerar cajiib ah iyada Kante uu soo garaacay Koscielny laakiin sidoo kale Vardy ayaa dhibaato ku sababay Monreal iyada oo garsooruhu uu tilmaamay in rekoodhe ay tahay, waxayna Leciester City  hesshay fursadii ay hogaanka kula wareegi lahayd.Monreal

Intii uu jiray is qabqabsiga rekoodhaha  Laurent Koscielny iyo Kante ayay xurgufi dhex martay iyada garsooruhu uu kaadhka digniinta ah siiyay difaaaca Arsenal ee  Laurent Koscielny, waxaana rekoodhaha qaaday isla markaana goolka furirtaanka Leicester u sarifay Jamie Vardy waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay kooxda martida ahayd ee Foxes ay hogaanka kula wareegtay, qaybta hore ee ciyaarta ayaana sidaa lagu kala nastay.Vardy1

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Leicester City la soo laabtay dardar ciyaareed balse daqiiqadii 46 aad ayuu Arsenal soo gaadhay dhaawac sabab u noqday in Wenger uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo kadib markii Laurent Koscielny uu awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana lagu soo badalay Calum Chambers.Vardy

Daqiiqadii 51 aad Leicester City ayaa ku dooday in ay heshay rekoodhe cadaan ah kadib markii uu Mahrez weerar cajiib ah soo qaaday laakiin Monreal ayaa markan nasiib lahaa in aan rekoodhe labaad lagu dhigin inkasta oo uu ahaa rekoodhe aan wax shaki ahi ku jirin, balse garsooraha ayaan waxba tilmaamin.

Arsenal ayaa bilawday in ay si dhab ah uga dagaalanto goolka looga hormaray iyada oo garoonkeedii joogta, waxayna weeraro joogta ah ku qaadaysay difaaca iyo goolka Leicester City laakiin daqiiqadii 54 aad garsoore Martin Atkinson ayaa gaadhay go’aan WAYN kadib markii uu kaadhka cas u taagay  Danny Simpson kadib markii uu xidigani soo qabtay garanka Giroud balse xaqiiqdii waxa uu ahaa goon aad u liitay oo ciyaarta saamayn wayn ku yeeshay.Danny Simpson

Intaa kadib ciyaarta ayaa waji kale yeelatay, Leicester City oo difaac ah iyo Arsenal oo weerar ah isla markaana raadinaysa goolka barbaraha, laakiin Rareira ayaa shaxdiisa isbadal wayn ku  sameeyay taas oo keentay in kooxdiisu ay dhamaan difaaca ku ururto. Waxa uu ciyaarta ka saaray Riyad Mahrez oo uu ku soo badalay Marcin Ryszard Wasilewski iyo Shinji Okazaki oo uu ku soo badlay Demarai Gray.Ozak

Laakiin Wenger ayaa isaguna taas badalkeeda weerarka soo xoojisatay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Theo Walcott isaga oo dhexda danbe dumiyay wuxuuna saaray Francis Coquelin laakiin badalka Theo Walcott ayaa noqday mid fure u noqotay Arsenal wuxuuna ugu danbayn noqday xidiga culayska ka qaaday Gunners isaga oo daqiiqadii 70 aad dhaliyay goolka Arsenal waqtiga dheer ku qaaday wuxuuna ku dhaliyay kubbad uu madax ugu salaxay Olivier Giroud ,waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.Walcott1walcottWalcott11

Wenger ayaa markale weerarkiisa ku soo xoojiyay Daniel Welbeck oo kulankiisii xili ciyaareedkan ugu horeeyay Gunners usaftay isaga oo ka soo laabtay dhaaawac waqtiga dheer uu ku maqnaa, waxaana daqiiqadii 83 aad lagu soo badalay  Alex Oxlade-Chamberlain, sidoo kale saamaynta Welbeck ayaa ciyaarta xal u noqotay.Welbeck

Arsenal ayaa markan awoodeeda oo dhan iskugu gaysay sidii ay goolka guusha ula iman lahayd, waxayna sida ay u dhantahay ay soo gashay weerarka iyada 10 ciyaartoy oo Leicester City ay dhamaan difaaca ku soo xaroodeen laakiin sidii ay ciyaartu u ahayd mid goolka labaad Arsenal laga sugayay isla markaana ay fursado xidhiidh ah u abuurayeen ayaa ciyaarta lagu daray 4 daqiiqo oo dheeri ah taas oo noqotay waqtitigii ciyaarta badalay.welbeckk

WAQTIGII CIYAARTA: Balse Arsenal ayaa daqiiqadii 95 aad la timid goolka qalbi jabaiyay kadib markii uu Daniel Welbeck uu goolka guusha usaxiixay Gunners isla markaana uu soo laabashadiisa waqtiga dheerayd jamaahiirta Gunners uu isku xasuusiyay gool taariikhi ah isaga oo madax ku dhaliyay kubbad uu laaga xorta ah ka soo tuuray MESUT OZIL kaas oo sameeyay gool caawintiisii 17 aad ee xili ciyaareedkan oo horyaalka Ingiriiska,waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Arsenal guul soo laabasho ay ku rafaaday kaga gaadhay kooxda Leicester City oo qaybta danbe 10 ciyaartoy ku dhamaysatay.

Sports

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News