Hangoolnews.com
Cuqaaasha Buuhoodle Oo Mas,Uuliyada Weerarkii Dhawaan Ka Dhacay Deegaanka Caro Wayne Dusha U Saaray Cali Khaliif
February 14, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HGN)Cuqaaasha Buuhoodle Oo Mas,Uuliyada Weerarkii Dhawaan Ka Dhacay Deegaanka Caro Wayne Dusha U Saaray Kooxda Khaatumo

Cuqaasha wax garadka iyo sido kale madax dhaqameedka deegaanka buuhoodle ayaa dusha u saaray mas,uuliyada weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka caro wayne ee buuhoodle kooxda uu hogaamiyo cali khaliif galaydh oo deeganadaasi mudooyinkii ugu danbeeyey ka waday falal la iskaga hor keenaayo dadka walaalaha ah ee wada dega deeganadaasi,

Cuqaashani waxay cali khaliif ku eedeeyeen in uu wado falal amaan daro waxaanay u direen baaq ah in uu ka baxo deeganadooda,

Dhinaca kale waxay dhambaal tacsi ah u direen ehelkii qofkii ku geeriyoodey weerarkii lagu soo qaadey iyaga oo sidoo kale ilaahay uga baryay labad qof ee kale ee dhaawaca ah in uu ilaahay caafiyo.

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News