Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaadey Dhismaha Dekeda Ceel-Garde Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
February 13, 2016 - Written by Hangool

Berbera(HNG)Wararka naga soo gaadhaya gobolka Saaxil ayaa sheegaya in koox dablay ah oo hubaysan ay subaxii hore ee saaka weerar kusoo qaadeen deegaanka ceel gadre ee bari gobolka saaxil halkaasi oo ay kasoco dhismaha deked yar oo ay dhisayaan dadka kasoo jeeda deeganaakaasi,

Wali ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi hasye yeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay kooxdani afduubteen qaar ka mid ah dadkii ka shaqaynayay dhsimaha goobtaasi waxaanay sidoo kale tacshiirad la dhaceen qaar ka mid ah gaadiidkii waday dhsimaha dekedaasi ,

ceel

Dhinaca kale waxa socda dhaqdhaqaaqyo ay wadaan dadka kasoo jeeda degegaanka ceel-garde oo ay kaga jawaabayaan weerarkaasi lagu soo qaadey,

Mas,uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa sheegay in ayna jirin wax khasaare ah oo intaasi ka badan waxaanay sidoo kale sheegeen in ay ku daba jiraan kooxdii dablayda ahayd ee weerarka kusoo qaaday dhismaha dekedaasi,

Maalmahii ugu danbeyey ayaa waxa soo baxayay khilaaf baahsan oo u dhaxeeyay dadka wada dega deegaanada gobolka saaxil iyada oo ay hawada isku marinayeen hadalo xanaf leh oo ku saabsan dhsimaha dekedaasi.

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News