Hangoolnews.com
“Shan Iyo Toban Sanno Ayaan Ahaa Gudoomiye Xisbi Kalmadda Garxajis May Jirin Waxaan Garan La’ahay Kalmaddaasi Ma Waddani Ayay La Dhalatay”,Faysal Cali Waraabe
February 13, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HNG)Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka subaxnimadii hore ka soo dagay Gagida Diyaaradaha Ee Hargaysa ka dib safaroo uu ugu maqnaa dalka Dibaddiisa .

 

Waxaana Halkaasi kaga hor tagtay kuna soo dhaweeyay Madax ka socotay Xisbiga Iyo Madax Dhaqameed  .

Gudoomiyaha oo Qolka Nasashada ee Madaarka ugu warramay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Safaradiisi uu ku tagay  Wadama North America iyo Yurub isagoo sheegay in uu soo badhi taaray Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somalialnd oo uu ku tilmaamay in ay ahayd muddooyinkii ugu danbeeyay Wagash-Wagash , waxaanu intaasi ku daray in uu kulamo la soo qaatay Madax sare oo ka tirsan Dalka Maraykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland “

waxaan soo maray wasaarada arimaha dibada ee Finlnad waxaan uga waramay halka ay wax inoo marayaan arimaheena diwaangalinta .

Gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay Diinwaangalinta waxaa uu Sheegay in Diinwaangalintu ay si fiican uga socoto Gobolada Dalka isagoo sheegay in Gobolka Togdheer ay si fiican uga Dhacday isla markaana uu Gobolka Awdal uu u rajeenayo in ay si fiican iyadana uga qabsoonto “Kumishanka waan hambalyaynayaa hashu si fiican ayay u soctaa gobalka Togdheer way ka dhacday Awdala waxaan rajynayaa in si fiican ay uga dhacdo”.

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Ayaa Hoosta ka xariiqay qaabka ay labada Xisbi ee Kale uga qeyb qaadanayaan Diinwaangalinta isagoo sheegay in ay ka dhigteen Olole iyagoo adeegsanaya bu yidhi “ Hantidii Umadda oo ay labaduba yihiin laba Xisbi oo xukuumadda ka wada tirsan weeye wayna ku ololaynayaan anaa kaa gaadhi badan iyo anaa kaa gawaadhi badan waxaana la modaa in labadoodaba imika ay gudoomiyinimada xisbigu ugu horayso” .

Geesta kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay Xadhigii Gancacsade Cumar Caydiid isagoo dhaliilay habkii uu Gudoomiye Cirro u waajahay Xaaladda Tiyaatarka uguna baaqay Gudoomiye Cirro in uu Siyaasadda ka daayo Cunfiga .

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Arrinta  Gerxajisnimada oo muddooyinkan danbe uu sheegay in aad loo hadal hayyo waxaanu tilmaamay in uu muddo 15 Sanno uu ahaa Gudoomiye Xisbi isla markaana aanay jirin wax Gerxajjis ah

 

“ Waxaa Baryahan aad u badatay Kalmadda Gerxajjis La yidhaa , Anigu waxaan ka soo jeeda Beeshaas , 15 Sanno ayaan ahaa Gudoomiye Xisbi Kalmaddaasi may jirin waxaan garan la’ahay kalmaddaasi ma waddani ayay la dhalatay , Markii aanu waddani jirin miyaanu gerxajjis jirin , waxaan leeyahay ha la kala saaro Waddani iyo Gerxajjis , Xisbi Siyaasiya weeye , Xisbi Qaran weeye , Wax kasta in la Gerxajiseeyo , Wax lasta in la qabiileeyo looma baahnaa ” Ayuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbeentii waxaa uu ka hadlay Abaaraha Baahsan ee ka jira Dalka isagoo alle uga baryay in alle ka jabiyo abaarahaas oo uu nimcadiisa ku arsaaqo .

 

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News