Hangoolnews.com
Muxuu daarran yahay khilaafka ka Dhex qarxay Muuse Biix Iyo C/raxmaan Saylici
February 13, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)war Xog,ogaal ah oo ay shabakada wararka Hangoolnews  ka helayso gobolka awdal gaar ahaan degmada boorame ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxwayne kuxigeenka somaliland c/raxmaan c/laahi saylici iyo sido kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye,

Labadan musharax oo u sharaxan jagooyinka madaxwayne iyo kuxigeen ee xisbiga kulmiye ayaa dhawaan waxay safar ugu baxeen gobolka awdal oo ka bilaabmaysay diwaan galinta codbixiyayaasha,

Mar

Khilaafka soo kala dhex galay labada mas,uul ayay ka danbaysay kadib markii madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo isagu dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka awdal ay asxaabta mucaaridka ahi kaga awood roonaadeen dhinaca taageerada iyada oo sidoo kale kulamo kala du duwan oo ay labada mas,uul la yeelanayeen cuqaasha,madaxdhaqmeedka,aqoonyahanka gobolkaasi ay markii lasoo gaadhey jufada uu kasoo jeedo madaxwayne kuxigeenku ay odayaasha beeshiisu ka diideen in ay la kulmaan waftiga uu hogaamimayay gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyaga oo ku garnaqsaday in uu madaxwayne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan saylici mudadii lixda sano ahayd ee uu dalka ka talinayay aanu waxba u qaban deegaanada uu kasoo jeedo iyo sido kale tabashooyinka reerkiisa isla markaana haatan ayna garanayn wax ay kula kulmaan,

Muse Saylici

Dhacdadani ay madax dhaqameedka jufada madaxwayne kuxigeenku kasoo jeedo ayaa waxa aad uga xumaaday gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi isaga oo sida warar xog,ogaalka  ahi ay nagu soo gaadhayaan kula tawaawucay c/raxmaan saylici in aanu waxba usoo kordhinayn isla mar,ahaantaana aanu gacanta ku hayn deegaanadii uu kasoo jeeday oo ay asxaabta mucaaridka ahi kaga awood badan yihiin,

 

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News