Hangoolnews.com
All-shabaab oo sheegatay qaraxii diyaaraddii daallo
February 13, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HNG)Kooxda ka dagaalanta koonfurta dalka somaliya ayaa sheegatay qaraxii dhawaan lala eegtay diyaaradda daallo airline xili ay ka duushay garoonka aadane cadde ee magaalada muqdisho kuna sii jeeday dalka jabuuti ayna saarnaayeen rakaab dhan 74 qof,

daalo

War ay soo saareen manta xarakada al-shabaab ayay ku sheegeen in ay bartilmaameedsanayeen waxa ay ugu yeedheen sirdoon reer galbeed iyo turkiyiin ah saarnaana diyaarada daallo,

Qaraxa lala eegtay diyaaradan ayaa ahaa mid loo adeegsaday laptop lagu soo rakibey walxaha qarxa isla markaana uu ku naf waayey hal qof iyada oo sida la rumaysan yahay uu qofkaasi ahaa naftii huraha falkaasi fuliyey,

Xukumada somaliya ayaa waxay qaraxaasi u xidh-xidhay dad lagu eedaynaayo in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail,com

COMMENTS
Latest News