Hangoolnews.com
Xukumada Oo Ka Hinaastay Gaadhigii Uu Xisbiga Wadani Ugu Deeqay Dugsiga Boardinka Ah Ee Degmada Balli-Dhiig
February 12, 2016 - Written by Hangool

Bali-Dhiig(HNG)Maayirka Md. Cali Faarax dheere iyo Taliyaha rugta Booliska Maxamed Mahdi ee Degmada Bali-dhiig ayaa qafaashay Gaadhi Bas ah oo Xisbiga Waddani ugu Deeqay Dugsiga Ina Sanweyne Secondary Boarding School, isla markaana ku xareeyey rugta Kastamka Cashuuraha ee Degmada Bali-dhiig, kaddib markii ay xidhiidh lasoo sameeyen Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan iyo Gudoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, oo iyagu ku amarray Masuuliyiintan inaan Baska Xisbiga Waddani ku Deeqay u shaqeyn Dugsigaas Ina Sanweyne Secondary Boarding School, si tallaabadaasi ugu fushana ay u maraan waddo kastoo macquul ah.

bas wadani

Gaadhiga Baska ee Xisbiga Waddani ugu deeqay dugsiga Ina Sanweyne Secondary Boarding School, oo Arbacadii dorraad ka baxay Magaalada Hargeysa, ayaa masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer si rasmi ah waxa ay Shalay ugu wareejiyeen Gudoomiyaha Dugsiga Ina Sanweyne Secondary Boarding School, hase-ahaatee, sida Wargeyska Yool ay u sheegen Masuuliyiinta Xisbiga iyo qaar kamid ah dadweynaha Deegaanka Bali-dhiig, kaddib markii ay dhamaatay Xafladii lagu gudoonsiiyey Maamulka Iskuulka Gaadhiga Baska ah, waxa durbadiiba masuuliyiinta dugsiga u tagay Maayirka Degmada Bali-dhiig Md. Cali Faarax dheere iyo Taliyaha rugta Booliska Maxamed Mahdi, iyagoo fulinaaya amarkii ay ka heleen Masuuliyiinta kor ku xusan, waxa ay Gudoomiyaha Dugsiga Cabdilahi Ciid ku wargeliyeen inuu kusoo wareejiyo Baska iyo furihiisa.

Intaa kaddib Maayirka Md. Cali Faarax dheere iyo Taliyaha rugta Booliska Maxamed Mahdi, waxa ay xoog ku kaxaysteen Baskii deeqda ahaa ee Xisbiga Waddani ugu tabarucay Dugsiga Ina Sanweyne Secondary Boarding School. Waxana sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Degmada Bali-dhiig lagu xareeyey Kastamka magaalada, iyadoo sidoo kale, afafka Dayrka lagu xareeyey Baska lagu jaray baabuurta Tiknikada ah ee ka hawlgala degmada.

Muranka Baska Xisbiga Mucaaridku bixiyey ayaa mid la kowsaday tan iyo markii sheekada Basku ka timi Xisbiga Waddani, waxana Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed kaahin iyo Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan gaad-dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u baajin lahaayeen sheekada Baska Xisbiga waddani ugu deeqay Dugsiga Ina Sanweyne Secondary Boarding School, waxana Warar intii sheekaddani socotay Gudoomiye Maxamed Kaahin iyo Wasiir Cali Mareexan marar badan  Kulamo la qaateen qaar kamid masuuliyiinta Xisbiga Waddani una dhashay deegaanka Bali-dhiig oo iyagu Magaalada Hargeysa u joogay inay Baska sii kaxeeyan degmadii ay ka yimaadeen ee loogu deeqay, waxana Wararka kulamadooda ku saabsan qaarkood laga soo wariyey in Gudoomiye Maxamed Kaahin Masuuliyiinta ku wargeliyey inaanay Baska Hargeysa ka kaxay, hase-yeeshee sida xoggaha kulamada lagu sheegay, waxa masuuliyiinta reer Bali-dhiig ee Waddani, hadalka kaga dareen celiyeen in baahida degmadu u qabtay Baskan ay soo jirtay 6-dii Sanadood ee Kulmiye tallada hayey, maantana ay ku timi Codsi ka yimi Bulshada deegaanka, xilligii uu safarka ku marayey Gudoomiyaha Waddani, haddana ay jiraan baahiyo kale oo badan, inuu baahan in wax laga qabto. Sida darteed, gudoomiye maxamed Kaahin-ahaan lagaaga baahan yahay inaad baahiyaha kale waxka qabato.

Geesta kale, Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan ayaa markii ay amreen xadhiga Baska Waddani ee la taxaabay, waxa durbadiiba magaalada Hargeysa uu ka iibiyey Bas cusub oo lamid kii Xisbiga Waddani ugu deeqay Degmada Bali-dhiig, kaasoo afarta dhinac lagag dhejiyey qoraallo lamid ah, kuwii lagu qoray Baskii waddani. Baskaasoo lagu dhegejiyey Nomber-ka gaadiidka Dawladda GT-1791. Teeda kale, dadweynaha deegaanka degmada Bali-dhiig ayaa ka biyo diiday hab-dhaqanka foosha xun ee ay ku shaqeeynayaan Wasiir Cali Mareexan iyo Gudomiye Maxamed kaahin, waxanay dadweynaha degmadaasi iyagoo ka cadheysan  tallaabada Xabsiga lagu geeyey Gaadhiga loogu deeqay Iskuulka ila Xalay caweysinkii hor tubnaayeen Kastamka degmada Bali-dhiig oo ah goobta uu ku Xidhan yahay gaadhigu, sidoo kale, qaar kamid ah dadweynaha reer Bali-dhiig, waxa ay cod dheer ku sheegen  in tallaabadani ay tahay midaan loo dulqaadan karin.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa noqoneysa fadeexad ugu weynayd ee abid dalka ka dhacda, tan iyo intii ay somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay, sidoo kalena, waxa ay tallaabadan labada masuul ku kaceen noqoneysaa mid Cunsuriyadeysan oo ku saleysan qabyaalad, taasoo mid lamid ah aanu weli ku kicin intii Somaliland jirtay masuul xidhan Shaadh-dawladeed iyo Nin siyaasi ah oo Cod iyo taageero ka rabba Bulshada reer Somaliland.

COMMENTS
Latest News