Hangoolnews.com
Ujeedka kulan Qado Dhex Maray Xisbiga Waddani iyo C/raxmaan aw Cali Faarax
February 12, 2016 - Written by Hangool

Boorama(HNG)magaalada boorame ee xarunta gobolka Awdal oo ay socdaal ku joogaan xisbiyada qaranka Somaliland ujeedka ay u tageen ay tahay furitaanka diwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka ayaa waxa xisbiyada qaranku ay kala jiidanayaan xubnaha hadba ugu culus gobolka ay joogaan,

????????????????????????????????????

Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland mudane C/raxmaan aw Cali Faarax waxa uu kulan manta xog is waraysi ah ay wada yeesheen mas,uuliyiinta ugu saraysa xisbiga wadani,

Kulankan oo ahaa mid qado ah ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa is xog waraysi ay yeesheen madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland iyo hogaanka xisbiga wadani iyada oo dhianaca kale ay ku wehelinayeen qadadaasi qaar ka mid ah cuqaasha waxgaradka iyo madax dhaqmeedka gobolka awdal,

????????????????????????????????????

Madaxwayne kuxigeenkii hore mudane C/raxmaan oo halkaasi ka hadlay waxa uu ku amaanay gudoomiyaha  xisbiga wadani siyaasada degan ee uu ku hor kacaayo xisbiga wadani isaga oo sidoo kale sheegay in C/raxmaan Cirro ka mid yahay shaqsiyaadka lexe-jecladu ay ka hayso dalka,

 

Gudoomiyaha xisbiga wadani C/raxmaan Maxamed Cabdilahi oo isagu hadal kooban ka jeediyey madasha qadada ayaa sheegay in ay ku faracsan yihiin kulanka ay la qaateen cuqaasha iyo sido kale madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland isaga oo dhanaca kale sheegay in ujeedkooda koowaad ee ay ula kulmeen C/raxmaan aw Cali Faarax ay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa diwaan galinta gobolka awdal ka bilaabmaysa,

 

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News