Hangoolnews.com
Xisbiga Wadani Oo Reer Gabiley Ku Beer-Laxawsaday Meel Marinta Gobolka Gabiley
February 11, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG) xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaada aqalka golaha wakiilada Somaliland waxaa uu shaaciyey in marka uu furmo kal fadhiga golahaasi  mudanayaasha la hor keeni doono mooshin,

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid lagu meel marinaayo gobalnimada gobalka gabilay ka dib markii ay xukuumadu keeni weyday isla markaana waxaana uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in gudoomiye Ciro hor taagan yahay ansixinta gobalnimada Gabilay,

Siciid-Cilmi-rooble

“Dacaayad baa rer kulmiye ay faafiyeen taas oo ay ka fidiyeen golaha wakiilada gaar ahaana gudoomiyaha golaha  wakiilada waxaana la idinku yidhi gobolnimadii Gabilay  waxaa ku fadhiya oo hor taagan golaha wakiilada gaar ahaana gudoomiyaha golahaas markaas warkaas baan jecelahay in aan inyar idinka sheego .

Xukuumadu shaqo ayey leedahay golahuna shaqo ayuu leeyahay qiimenta gobalada iyo degmooyinkii la magacaabey  waxaa xaq u leh xukuumada , anigu iminka golaha 19 sanno ayaan ku jiray wax la keenay ma jirto marka laga reebo tii ina cigaal keenay ee aheyd in aad (A) ahaataan ,  waxaana diyaar aanu u nahay qoladayada mucaaridku  madaama ay xukuumadu ka daahdey in aanu mooshin ku soo dhigno “ ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

COMMENTS
Latest News