Hangoolnews.com
Madaxwaynayaasha Jabuuti Iyo Suudaan Oo Wada Jir Xadhiga Uga Jaray Cusbitaal Milatari Oo Laga Dhisay Jabuuti
February 11, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HNG)Madaxweynaha Jamhuuriyada Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan Bakri Hassan Saleh ayaa maanta si wada jir ah xadhiga uga jaray cusbitaal milatari oo loo dhisay ciidamada dalka Djabouti oo loogu magac daray Hasal Al Bashiir Hospital.

Munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jarayey cusbitaalkan ayaa waxa ka soo qayb galay wefti balaadhan oo ka socday dalka Djabouit oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan iyo madaxweynaha Djabouti iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada.

jabuti

Madaxweynaha dalka Djabouti iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee uu cusbitaalkani ka kooban yahay, waxaana cusbitaalkan yaala 120 sariirood, waxaanu leeyahay qaybta gargaarka deg deg ah iyada oo uu ku qalabaysan qalab casri ah.

Madaxweynaha dalka Djabouti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay munaasibadan xadhiga lagaga jarayey cusbitaalkan ayaa sheegay inuu ka mid yahay dedaalada uu ugu jiro horu marinta caafimaadka ciidamada, waxaanu  u mahad celiyey dawlada Suudaan oo hir gelisay cusbitaalkan, isaga oo sheegay inuu cusbitaalkani ka markhaati kacayo heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan oo isaguna ka hadlay munaasibada xadhiga lagaga jarayey cusbitaalkan ayaa waxa uu sheegay inuu xidhiidhka labada dal marayo meel aad u fiican, waxaanu ka mahad celiyey qaabkii loogu soo dhaweeyey isaga iyo weftigiisa dalka Djabouti.

 

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

 

COMMENTS
Latest News