Hangoolnews.com
“Golaha Wakiilada Aniga Oo Afkiisa Ku Hadlaya Waxuu Diyaar U Yahay In Gobolnimada Gobalka Gabilay Ansixiyo”..Gudoomiye Ciro
February 11, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay  moqifka golaha wakiiladu ka taagan yahay ansixinta gobolnimada Gabilay.

Muddane Ciro waxaa uu madax dhaqameedka gobalka Gabilay uu sheegay in isaga oo ku hadlaya afka Magaca golaha wakiilada Somaliland uu  u balan qaadayo in ay ansixinayaan  wakhtiga ugu horeysa ee xukuumadu golaha  u soo gudbiso waxaana uu yidhi,

cirro

“ Arinta gobalka gabilay xildhibaan Siciid baa ka Hadley  balse waxii maamul ah xukuumada ayaa iska leh  cid kale oo la wadaagtaa  ma jirto baarlamaanku waxaa uu leeyahay waxii ay xukuumadu keento in uu ansixiyo  golaha wakiilada aniga oo afkiisa ku hadlaya waxuu diyaar u yahay in gobolnimada gobalka  gabilay uu ansixiyo maalinta ugu horeysa ee xukuumadu golaha hor keento “ ayuu yidhi gudoomiye  ciro,

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

COMMENTS
Latest News