Hangoolnews.com
Xafiiskii Xisbiga Kulmiye Ee Degmada Axmed Dhagax Oo Albaabada Loo Laabey
February 10, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)xaruntii Xisbiga KULMIYE ee degmadda Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargaysa ayaa la xidhay oo guud ahaan-ba albaabadda loo laabay, kadib markii lagu yeeshay Kiradii aqalka, lacagtii korontada iyo Mushaharka shaqaalihii ka hawl-galaayay Xaruntaas.

Inkastoo aannay jirin war rasmiya oo Xisbiga KULMIYE ka soo saarray xidhitaanka xaruntii uu ku lahaa degmadda Axmed dhagax ee Caasimadda Hargaysa,

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo si dhaw ula socday xaaladda xaruntaas oo sida ay sheegeen ay la soo daristay xaalad dhaqaale la’aan oo sabab u noqotay in guud ahaanba dhaqdhaqaaqii xaruntaas albaabadda loo xidho, waxaannay sheegeen in dhawr bilood kiradii, Laydhkii iyo Mushaharka shaqaalihii  ilaalinnaayay xaruntaas lagu yeesho.

calanka-KULMIYE

Xaruntan oo ku taallay xaafadda Pepsiga ee degmadda Axmed dhagax ayaa waxa la furay intii lagu gudo jiray loollankii murashaxiinta Madaxweyne ee ku tartamaayay shirweynihii 5aad ee Xisbiga KULMIYE ku qabsadday magaalada Hargaysa, kaasoo lagu doortay Murashaxa jagadda Madaxweyne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, inkastoo saddexdii murashax ee la tartamaayay ay qaadaceen ka qayb-galka shirkaas iyo wixii ka soo baxaba, waxaannay u muuqataa furitaanka xaruntaasi innuu daarnaa oo kaliya Olale uu ku raadinnaayay Xubnihii golaha dhexe ee xisbigiisa ku jirey.

Warku waxa uu intaas ku daray in xaruntan iyo wixii kharash ah ee ay  u baahan tahay uu Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi uu ku amray innuu bixiyo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, isagoo dhinaca kalenna Mas’uuliyadda xaruntaas u xilsaaray Siyaasiyiin dhawr ah oo ay ka mid yihiin Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, balse markii Maxamed Ibraahim Qabo uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Badhasaabka gobolka Togdheer, ayaa Wasiirka Madaxtooyaddunna la aamusay dhaqaalihii yarraa ee xaruntaasi ku furnayd, taasoo keentay in lagu yeesho Kirro, Laydh iyo Mushahar-ba oo markii dambenna keentay in albaabadda loo laabo.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sheegayaa in gurigii laga saaray Xisbiga KULMIYE ee uu iska bixin karri waayay dhaqaalihii yarraa ee xaruntaas ku baxaayay, in Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu isla maanta la wareegay gurigii laga saaray KULMIYE, isla markaanna balanqaaday innuu dhawr sanadood lacagtoodda uu qaddimaayo, taasoo fadeexad iyo ceeb ku ah Xisbul-xaakimka taladda haya ee KULMIYE.

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News