Hangoolnews.com
Murashaxa Golaha Wakiilada Eng Saleebaan Axmed Carab Oo Hargeysa Lagu Soo Dhoweeyey, Khudbad-Na U Jeeidyey Taageerayaashiisa
February 10, 2016 - Written by Hangool

Hargeysa (HNG)-Musharaxa golaha wakiilada somaliland mudane  Eng: Saleebaan Axmed Carab (Saleebaan Dheere) oo ka mid ah murashixiinta golaha wakiilada gaar ahaan agobolka Togdheer ayaa habeenkii xalay ay xaflad ku maamuuseen taageerayaashiisa gobolka Maroodi-jeex.

1

Xafladaasi oo ka qabsoontay Hotel Hadhwanaag ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf aad u badan oo waxgarad, dhalinyaro iyo haweenba leh iyo dad weyne aad u badan waxaanay ahayd madal ilyartu is qabatay waxaa lagaga hadlay hawlkarnimada musharaxa iyo in uu u qalmo xilkan uu u taagan yahay waxaana la sheegay in uu xul yahay loo xulay tartanka golaha wakiilada ee dhicidoona 2017 ka dad badan oo ka hadlay xaflasaas waxay ku amaaneen daacadnimada iyo masuuliyada ka muuqata musharaxa.

2

Murashaxa Eng Saleebaan Axmed Cara boo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa u mahadnqay dhamaan taageerayaashiisa ku sugan magaalada Hargeysa, isagoo u mahad celiyey sida qiimaha leh ee ay u soo dhoweeyeen, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

“Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan taageerayaashayda isasoo abaabulay ee ii sameeyey xafladan balaadhan, waxan idiin balan qaadayaa hadii aan soo baxo dumarka caruurta iyo hooyooyinka in aan wax la qaban doono dhinaca caafimaadka , waxbarashada iyo baahiyaha asaasiga ah” .

3

Geesta kale Murashaxa ayaa cadeeyey inuu xilkan yahay mid loo gartay isla maraakanaa aanu isagu isu cumaamadin waxaana uu u mahadnaqay xildhibaanadii kale ee tanaasulka u muujiyey, waxaana uu yidhi “Sidaad ogtihiin aniga wala igula taliyey anigu ismaan keenin waala I keenay oo la iigartay xilkan in aan qaban karo way jiraan niman kale oo ila sharaxnaa waanay ii tanaasuleen wanan u mahadcelinayaa waanu wada shaqayn doonaa insha allah waxaan ahay nin dad badan leh axsaab badan leh oo caan ka ah deegaanka uu ka sharaxan yahay caasimadii oo caawa aad igusoo dhawayseena waala ii joogaa oo taageeo badan ayaan ku haystaa waanan aaminsanahay in aan kuguulkaysanaayo tartankan dastuuriga ah ee doorasha golaha wakiilada ee dhicidoona 2017 ka aad ayaad u mahadsan tihiin dhamaantiin”

Ugu dambayn xafladas ayaa ku soo dhamaatay jawi degen oo xiiso leh waxaanay taageerayaashii madasha ka soo daahiray oo u badnaa dhallinyaro aqoon yahan ah ay xildhibaanka u rajeeyeen nasiib wanaagsan iyo inuu guul ka gaadho tartanka doorashado taasoo ay si kal iyo laab ah ugu ducaynayeen

 

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News