Hangoolnews.com
Kaadiriinta Waddani Oo Miishaar Afweyn isugu Dhiibay Siyaasiyiinta reer Awdal Ee Quudaraynaya Inay hankooda musharaxnimo kaga midho dhaliyaan xisbigaasi
February 10, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HNG)Cabdirashiid xasan mataan musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga ucid ayaa maanta ku biiray xisbiga waddani waxaana uu dhaliilay xisbigii uu hore ugu faraxsanaa ka mid ahaanshihiisa ee hanku kaga jiray siyaasigan oo soodhawyntiisa la wanqalay ayaa xisbigii ucid ee uu hore ugu faani jiray ka dhigay magac u yaal uu xaaladiisa ka dayriyey. Siyaasi mataan oo xisbiga kula abtirsadey siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin ayaa si aan uursami ahay ugu soo dhaweeyey xisbiga iyagoo wadnaha farta ku haya in uu booska ka riixdo siyaasiyiintan oo aad utiro badan qaarkoodna hore utanaasuleen dhamaantoodna ay hanmaaganayaal yihiin mid walba uu dhankiisa rajo ka lee yahay inuu isagu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga waddani hadana macada ka u astaysan xisbiga waxaase muuqda in xisbiga waddani madaxa isugu galiyey siyaasiyiintan ilaahadana siyaasad dadban kula shaqaysanayaan hanmaaganayaashan  reer awdal midba dhankiisa ugu sharaxan yahay inuu miidaanka qabto iskuna arko inuu yahay kan saxda ah ee isagu ku haboon balse gudoomiyaha xisbiga waddani ayaa isagu miishaar afweyn isugu dhiibay inay isku gawracaan in booska ku kala dhaweystaan balse arrintan ayaa sababi karta mid ay kaga huleelaan qaarkood marka xaalku cadaado ee ay hankooda muyaarada waddani ka arki waayaan  xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey musharaxii hore ee iska casilay xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan iyo taageerayaal wehelinayey.

wadani aba

Munaasibada uu xisbiga Waddani ku qaabilay musharaxii iska casilay xisbiga Ucid eek u soo biiray ayaa waxa ka soo qayb galay hogaanka xisbiga Waddani, xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbigaasi iyo taageerayaal fara badan.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey Cabdirashiid Xasan Mataan waxaanu yidhi “Musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan salaadiintiisa iyo taageerayaashiisaba waxaanu leenahay ku soo dhawaada

isbiga Waddani, xisbigani ma laha anigaa u soo horeeyey iyo anigaa u dambeeyey, waxaanad timaadeen xisbi idiin baahan oo somaliland oo dhan u baahan

Sido kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Kawaad Ee Xisbiga Axmed Muumin Seed waxaana uu xusay in si kal iyo laaba u soo dhawaynayaan Cabdirashiid Xasan Mataan Waxna Yidhi “ Aniga farxad gaar ah ayey ii tahay inu maanta nagu soo biiro Cabdirashiid Xasan Mataan iyo taageerayaashiisaba, waxaanan qalbi furan ku soo dhawaynayaa, waxaanan cadaynayaa in Cabdirashiid iyo Maxamed Cali ay yihiin garbahayga anaga oo isku duubana aanu meel gaadhsiin doono xisbiga.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka hadlay munaasibadan lagu soo dhawaynayey ayaa dhankiisa  “Aniga oo qurba joog ah ayaan dalka imid ujeedada aan u imidna waxay ahayd inaan ka baxo dantii shakhsiga ahayd oo aan u baxo danta qaran oo aan noqdo jiil cusub oo dadka hor gali kara, waxaanan galay xisbiga Ucid oo noqon waayey sidii aan rabay

Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey  “xisbiga maanta dalka lagu badbaadin karaa waa xisbiga Waddani waxaanan u sheegayaa taageerayaashaydii oo aan leeyahay xisbigani waa ka kaliya ee dalka lagu badbaadin karo, badbaadad qarankuna waxay ku jirtaa xisbiga Waddani, waanan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo xisbiga Waddani

Gabagabdii waxa si kal iyo laaba u soo dhaweeyay Cabdirashiid Xasan Mataan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxaana uu yidhi “ waxaan so dhawaynaynaa cabdirashiid iyo tageerayaashiisa waxaan leenahay ku soo dhawaada Xisbiga wadani waxan halkan ka cadaynayaa siyaasiyiintaa uu hogaaminaayo cabdirashiid in aanay marti ahyin lakiin se ay yimadeen xisbigoogii waxaan ku kalsoonahay in cabdirashiid iyo taageerayaashiisu awaad galin donaan xisbiga wadani mar labaad waxaan leeyahay soo dhawaad” Ayuu Yidhi Gudoomiye cabdiraxaan ciro.

Sourece Wargayska Sahan

 

COMMENTS
Latest News