Hangoolnews.com
Dalka Britin Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Somaliya Iyo Qaybo Ka Mid Ah Somaliland
February 10, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HNG)dalka britan ayaa muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan somaliya xaalado amni daro awgeed,

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaarada arimaha dibada ee dalka uk ayaa waxa looga digay dadka britishka ah ee u safraan dalka somaliya.

uk-flag

Warbixintani ay soo saartay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi ayaa waxa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga digay muwaadiniinta britishka ah in ay u scodaalaan koonfurta iyo badh-tamaha dalka somaliya,

Dhigniinta ayaa sidoo kale waxa ku jirta Somaliland in ay u safraan dalka reer England marka laga tago ayay yidhaahdeen in dadkaasi ay u leeyihiin hawlo muhiim ah iyada oo badiba gobolada Somaliland looga digay muwaadiniinta reer britan waxaana lagu xusay kaliya hadiiba ay Somaliland u imanayaan hawlo muhiim ah in ayna dhaafin magaalooyinka hargeisa iyo berbera,

Waribixntani kaso baxday dalk uk ee muwaadiniinteeda looga digay in ay u safraan somaliya iyo Somaliland qaybo ka mid ah ayaa kusoo beegmaysa xili dhawan qarax lala eegtay diyaarada daallo markaasi oo ay ka soo duushay garoonka aadan cade ee magaalada muqdisho,

Dhinaca kale arintani ayaa caqabad ku noqonaysa Somaliland maadama ay iyadu ka duwan tahay somaliya inteeda kale,

Hangoolnews.com

Hargeisa.office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News