Hangoolnews.com
Xog-Madaxwaynaha Somaliland Oo Wareegto Kaso Saaray Isticmaalka Kharashaadka Dheeriga Ah Ee Hay,Adaha Dawlada Ee Dalka
February 9, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HAN)Warar xog,ogaal ah oo ay heshay shabakada wararka ee Hangoolnews ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu soo soosaaray wareegto uu ku joojiyey lacagaha sadex biloodka ah ee ay qaataan hay,adaha dawladu,

Iyada oo digreetada lagu xusay oo kaliya in ay kaliya ka isticmaalaanmushaharadka, shidaalka iyo sidoo kale qalabka laga maarmaanka u ah hawlaha shaqo ee xafiisyada dawlada,

Xogtan ay heshey shabakada Hangoolnews ayaa sido kale waxa lagu sheegay wareegtada oo la filaayo in si dhaqso ah loogu qaybiyo xafiisyada dawlada ay ka danbaysay kadib markii ay hay,adaha dawliga ah ee dalka hadba sida ay doonaan u iscticmaaleen kharashaadkii iyo sido kale miisaaniyad sanadeedkii loogu talo galay hay,ad kasta oo dawladeed,

Ka hor wareegtada ayaa waxa maalmahii ugu danbeeyey ee bishan dib u dhac ku yimid qaadashada musharaadka shaqaalaha dawlada, iyada oo sabab looga dhigayay isticmaalka shilinka Somaliland hase yeeshee ay arintaasi ka danbaysay kadib markii ay wasaarada maaliyada Somaliland cabasho kasoo gudbisay Hay,adaha  dawlada qaarkood kuwaasi oo si xad dhaaf ah u isticmaalay miisaaniyad sanadeedkoodii loo qoondeeyey.

HANGOOLNEWS.COM

HARGEISA/OFFICE

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News