Hangoolnews.com
Daawo “Xerada Ciidamada Ee Bir-Jeex Xaafada Axmed Dhagax Baa Leh” Ex Wasiir Cabdi Haybe
February 9, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HAN)Wasiirkii hore ee wasaarada Caafimadka Somaliland ee xukuumadii  Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin isla markaana ka soo jeeda Gobalka Hawd iyo xaafada Axmed Dhagax waxaa uu ka Hadley wararka sheegaya in xukuumada madaxweyne Siilanyo ay wado qorshe ay ku iibineyso  dhismaha xerada ciidamada qaranku ku leeyahiin Bir-jeex,

cabdi haybe

Siyaasi Cabdi haybe waxaa uu sheegay in xerada Bir-Jeex ay leedahay xaafada Axmed Dhagax isla markaana aanay dhici Karin in ay xukuumada siilanyo ay iibiso waxaana uu yidhi “  waxaan maalmahan maqlaayey xukuumada Somaliland ayaa rabta in ay iibiso xerada ciidmada ee Bir-Jeex  xeradaas waxaa  iska leh xaafada Axmed Dhagax mana suurto gali karto hadii ay xukuumadu arintaasi  isku deydana waa in ay xafaada Axmed Dhagax ay ka  dagaalantaa” ayuu yidhi  siyaasiga Cabdiheybe.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News