Hangoolnews.com
Shil tareen oo ka dhacay dalka jarmalka iyo hal qof oo Somali ah oo ka mid ahaa dadkii saarnaa labada tareen mid ahaa
February 9, 2016 - Written by Hangool News

Bad aibling(HNG)Shilka labada tareen ayaa ka dhacay meel u dhow Bad Aibling, oo u jirta 60 km koonfur bari Munich.

Shirkadda tareenka maamusha ayaa sheegtay labada tareen inay jidka dhinac ka baxeen kadibna ay isku dhageen oo gadoomeen.

Boliiska ayaa sheegay shaqaalaha gargaarka inay isku dayayaan dadka wali ku go’doonsan burburka tareenka.

Boliiska gobolka ayaa sheegay in siddeed qof ay dhinteen, ilaa boqolna ay dhaawacmeen, oo konton ka mid ah ay yihiin dhaawac halis ah.

Rainer Scharf, oo ka tirsan boliiska Bavaria ayaa sheegay “ayadoo la eegayo shilka suu u wayn yahay, in labada tareen ay iyagoo aan xoog u socon ay iska horimaadeen oo isku dhaceen.”

Dhinaca kale shabakada wararka hangoolnews oo la xidhiidhay wiil Somali ah oo ka mid ahaa dadkii saarnaa labada tareen mid ka mid ah magaciisuna yahay fu,aad dayib omer ayaa noo sheegay in ayna Somali kale saarnayn oo uu kalidii ahaa iyada oo dadka saarnaa ay kaliya shan qof oo madow ka ahaayeen,

Dhinaca kale waxa uu sheegay wiilkaasi somaliga ahi in aanu isaga soo gaadhin dhaawac wayn marka laga reebo kuraasta oo ku dhacay oo soo gaadhsiiyey dhaawaca dhinaca dhabarka ah.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News