Hangoolnews.com
Laptop Yada Waa La Shidayaa Kii Aan Shidmayn Cid Ka Dhoofin Kartaa Ma Jirto,Dhammaan Dadka Madaarada Isticmaala Ayaanu La Socodsiinaynaa” Agaasimaha Guud W.Duulista
February 9, 2016 - Written by Hangool

duulistaHargeisa(HNG)Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista iyo gaadiidka cirka Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) ayaa sheegay inay  kor u qaadeen amaanka garoomada diyaaradaha Somaliland,waxaanu bulshada u soo jeediyay inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan wixii amaanka khalkhal galin kara.

“Dadka rakaaba ee madaarka ka dhoofa,haddii ay yihiin dadka reer Somaliland haddii ay yihiin dadka geeska afrika ,waxaanu la socdsiinaynaa in amaankii madaarada Somaliland oo dhan kor loo qaaday iyo goobihii baadhista la balaadhiyay,waa inaanu qofka rakaabka ahi dhib u dareemin haddii baadhistu badato annaga ta masuuliyadu naga saaran tahay waa amaanka madaarka xaaladdana qasbaysa in la ilaaliyo diyaarada iyo amaankeeda,suunka iyo kabaha ayaa la iska saarayaa yaan la dhibsan waayo badbaadadeena ayaa ku jirta” Agaasimaha madaarka Caasimada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) waxa uu bulshada ku wargaliyay in in la mamnuucay dhammaan wixii dareere ah ee lagala dhoofi jiray madaarada Somaliland iyo Laptop-yada aan shidmayn.

“Arimihii ugu dambeeyay markii ay dhaceen Muqdisho ee diyaaradii daallo ka dhaceen waxaanu soo kordhinay in dhammaan wixii dareere ah la mamnuucay ee diyaarada lala raaci jiray sida Subaga,biyaha,Muqmada(Oodkacda),sharaabka ,waxaa ka mamnuuc ah inay ka baxaan garoonada Jamhuuriyada Somaliland ma diidanin laakin arin badbaado  ayaa gashay awalba waa lala dhoofi jiree.Laptop yada waa la shidayaa kii aan shidmayn cid ka dhoofin kartaa ma jirto,dhammaan dadka madaarada isticmaala ayaanu la socodsiinaynaa inay sidaa u ogaadaan”ayuu yidhi Agaasime Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid)

Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid),Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista Somaliland waxa uu sheegay in la adkeeyay baadhitaankii rakaabka diyaaradaha raacaya intaanay ka kicin madaarka gudihiisa .

“Diyaarad wal oo madaarka ka dhoofaysa dalka Somalilandna ka baxaysa waxa lagu samaynayaa baadhis labaad qofkastana waa la baadhayaa diyaarada dusheeda waayo badbaadadeena ayaa ku xidhan “ ayuu yidhi Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid)

Arintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii dhawaan diyaaradda Daallo oo ka duushay garoonka Muqdisho la qarxiyay,iyadoo duuliyihii diyaaradaasina ka dayriyay amaanka magaalada Muqdisho.

Madaarada Somaliland ayaa waxa ka socda duulimaad caalami ah,iyagoo wakhtigan ay ku sugan yihiin diyaaradaha Ethiopian Airline,FlyDubia iyo kuwa kale.

Hangoolnews.com

Hargeisa.officce

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News