Hangoolnews.com
Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Curtay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye
February 9, 2016 - Written by Hangool

Warar lagu kalsoon yahay waxaa ay sheegayaan in khilaafkii ugu xumaa uu ka dhex curtey siyaasinta isbaheysiga Kulmiye

huwan s

Photo File:- Siyaasiyiinta Isbaheysiga Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Khilaafkan ayaa  waxaa  la sheegay in uu sabab u  yahay  ka dib markii ay siyaasiyintani  iskaga  soo hor jeesteen halka  uu biyo dhigan doono masiirkooda siyaasadeed

Xubno ka mid ah siyaasiyintaasi isla markaana uu hor kacaayo Siyaasiga Cabdicasiis samaale waxaa  ay xogahani xuseen  in uu soo jeediyey in ay ka sii mid ahaadan xisbiga kulmiye isla markaana wado hadalo  toos ah  la furan madaxda xisbigaasi sidoo kala Cabdicasiis samaale ayaa ganafka ku dhuftey in uu xisbigaasi ka baxo isaga oo ku dooday in xisbiga Kulmiye uu ka galay wakhti badan iyo hanta Badan

Dhinca kale siyaasiyiin  uu  horkaacayo wasiirkii hore  wasaarada Madaxtooyada  Somaliland Muddane Xirsi waxaa ay  xogahan sheegayan in uu soo jeediyey in ay ka huleelaan xisbiga Kulmiye isla markaana ay ku biiran Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  xisbiga Kulmiyana ay ku kicyaan guluf siyaasadeed oo kulal taas oo ay kaga hor imanayaan in uu talada dalka gacanta ku qabto

Ugu danbeyntii xogahani waxaa ay sheegayaan in  xubno kale oo siyaasiyiintan ka mid ahi in ay la shir yimadeen in aanay meelna  ku biiran isla markaana ay banan joogaas uun ahaadaan ila inta  uu imanaayo saansaan kale oo siyaasadeed oo rajadooda ka dhex  arkaan

Isku soo wada duubo khilaafkan ayaa waxaa la sheegaya in uu yahay kii ugu cuslaa ee ka dhex qaraxa siyaasiyinta isbaheysiga kulmiye taas oo dadka falanqeeya siyaasaduna ay sheegan in uu sabab u noqon karo burbur ku yimaada  awoodi ay siyaasada ku dhex lahayeen Somaliland

Hangoolnews.com

Source Ilaysnews

COMMENTS
Latest News