Hangoolnews.com
Gaadhiga Gaarka Ah Ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Weerar Lagu Qaaday Xalay Gudaha Buuhoodle
February 9, 2016 - Written by Hangool News

Buuhoodle(HAN) Saacadihi danbe ee xalay waxa gudaha magaalada Buuhoodle weerar qorshaysan lagu qaaday gaadhigii wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), sida ay nooshegeen qaar kamida dadkii ka agdhawaa wasiirka, balse aanay noo suurogelin in aanu wasiirka ka helno waraysi buuxa sababo la xidhiidha dhanka Telefoonada oo xumaa awgeed, waxa aanu helnay warar rasmi ah oo la xidhiidha sida ay wax u dhaceen,.

Gaadhiga wasiirka oo qadar yar ka hor uun uu wasiirku ka degay ayaa hore waxa uu ugu dhaqaaqay si uu meherad wax uga iibsado, balse intaanu gaadhi meheradii waxa halkaasi u galay dablay hubaysan oo lala xidhiidhay inay la socdeen dhaq-dhaqaaqa wasiirka, isla markaana moodayey in uu saaran yahay wasiirku gaadhigsiia, waxaanay ku fureen rasaas, balse waxa rasaastaa ka jawaabay oo gaadhiga daaqadihiisa qoryo kala baxay ilaaladii wasiirka oo ku guulaysatay inay iska caabiyaan dablayda gaadhigii oo rasaas badani ku dhacdayna soo badbaadiyey.

Cid wax ku noqotay dhinaca gaadhiga wasiirkana ma jirto, hase ahaatee kooxda weerarka soo qaaday xiligaas lama aqoonsan, khasaaraha soo gaadhayna lama oga.

Isla xalay xaalada magaalada Buuhoodle ayaa is badashay, waxaana xaalada guud nooga waramay mid ka mid ah dadkii ka ag dhawaa wasiirka “waxani waa wax soo noqnoqday waana mid la doonayo in gobolka nabadgelyadiisa lagu khalkhal geliyo oo lagu waxyeeleeyo shacbiga dhibaato loogu soo jiido”

 

Source: Warsugan

COMMENTS
Latest News