Hangoolnews.com
Shirkadaha diyaaradaha daallo iyo Turkish oo ismaan dhaaf xoogani soo kala dhex galay kadib qaraxii diyaarada daallo
February 8, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(HAN0warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka ee ilaysnews xafiiskeeda warqabadka ee magaalada Moqdisho waxaa ay sheegayaan in  khilaaf cakirani uu ka dhex qarxay masuulyiinta labada shirkadood ee Daalo Airline Iyo Turkish  Airways.

gg

 

 

 

 

 

Khilaafkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo  ka dib qaraxii dhawaan ku dhacey diyaaradii ay laheyd  shirkada Daalo , waxaana rakaabkii ay diyaaradu wakhtigaasi sidey iska lahaa shirkada Turkish Airweys oo ay ugu geynaysay  Dalka Jaabuuti

Diyaarada Turkish Airways oo  todobaadkiiba saddex cisho duulimaad ku tagi jirtey dalka Somaliya ayaa waxaa ay maalinta uu qaraxaasi dhici doono laba cisho ka hor ay joojisay duulimaadyadii garoonka moqdisho taas ay  masuulyinta diyaaradu rakaabkoodii ku war galiyeen in aanay imaneen garoonka moqdisho sababo la xidhiidha hawda oo xun.

Taas badelkeeda masuulyiinta shirkada Turkish Airways waxaa ay shirkada Daalo Ka codsadeen in ay rakaabkooda moqdisho jooga ee ay ka baaqdeen ay u soo qaadaan uguna keenan dalka jaabuuti oo ay ka sii qaadi doonan hadii ay yahiin shirkada Turkish Airways .

Shirkada Daallo ayaa codsigaasi u fulisay masuulyiinta Turkish Airways  isla markii ay qaadeen rakaab ka mid ah rakaabkii ay laheyd shirkada Turkish waxaa shirkada Daalo diyaaradeedii ku yimid qaraxsan alleh ka bad baadiyey.

Hadaba warar arintaasi ku saabsan isla markaana ay helayso shabakada wararka ee Ilaysnews waxaa ay sheegayaan in masuulyiinta shirkada Daallo ay aamisan yahiin in shirkada Turkish Airways ay qeyb ku laheyd falkaasi diyaaradooda ku dhacay waxaana agaasimaha Shirkada Daalo oo warbaahinta la  Hadley uu yidhi

“Turkish Airlines wax xidhiidh ah nalama soo sameyn tan iyo markii uu shilku dhacay. Wayna caddahay inay iska fogeynayaan shilkan.”ayuu yidhii Colaad.

Sidoo kale masuulyiinta shirkada Daallo waxaa ay ku doodayan in shirkada Turkish Airlines ay ka qarisay xog amaan daro  oo ay heshay

Isku soo wada duubo  Illaa iyo hadda ma jirto cid kamid ah shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines oo ka hadashay arrintan.

HANGOOLNEWS.COM

COMMENTS
Latest News